Waxan ugu baaqayaa Guddiyadi Shirarkii ka qabsoomey Deegaannada Gar adag iyo Agabar in uu jiro Shir aan caadi ahayn oo ka dhici doona Magaalada Sheekh 20 october

Aniga oo ku hadlaaya Magaca Ergadii ka qayb gashay Shirkii Hoodaale ee Beesha Sacad Muuse Habar awal, ee ka qabsoomay deegaanka agabar,waxan ugu baaqayaa walaalahayaga aanu xidhiidhka dhow leenahay ee bariga burco in uu jiro Shirweyne ay gogosha fidisay beesha Habar awal galbeed, Shirkaasi oo ajandihiisu yahay sidii kaabis iyo wax ka bedal loogu sameyn lahaa Shirarkii Labada beelood ay ku magacaabeen Garadag iyo Hoodaale,

 

Runtii iskaashigii dhaqan dhaqaale,siyaasadeed ee labada beelood ay lahaayeen waxa uu noqday mid midho dhal ah,dalka iyo dadkana u horseeday Horumar la taaban karo, sidaas darteed waxa lagama maarmaan noqotay in la isugu yimaado Shir aan caadi ahayn si wax la iskaga waydiiyo xaalada dalku marayo,iyo buunka colaadeed ee ay afuuftay beesha garxajis,
Waxa aynu wada ogsoonahay in bilihii u dambeeyey dalka deegaano kamid ah gobolka sanaag uu ka jiray dagaal lagu soo qaaday beesha Biciido oo ka mid ah bahweynta Jeegaanta, dagaalkaasi oo ay ku soo qaaday beesha garxajis iyo jabhadda Qaran dumiska ah ee beeshaasi ku abtirsata,kadib markii Xukuumaddu ay la wareegtay gaadiidkii dagaalka ee beesha Biciido,
Waxa aynu ka dhul sugaynay in beesha Caare ay iyana hubkooda soo wareejiyaan,
Balse waxay beesha caare iclaamisay dagaal ay la galayso Somaliland,taasi oo macneheedu yahay in la weeraro Beesha bariga burco sidii loo weeraray Ceelafweyn,
Hadaba markii aanu aragnay khatarta iyo dhagaraha qarsoon ee ay maleegayso beesha garxajis,
Markaanu isku qancinay Go’aan qaadasho la’aanta xukuumada,
Markaanu la tashi la sameynay waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,markaanu dib u eegnay go”aannadii ka soo baxay shirkii hoodaale oo dhigayey haddii la soo weeraro ama halis la galiyo Ammaanka beesha bariga burco in ay waajib kutahay beesha Sacad muuse in ay isgarab taagto walaalahooda bariga burco  sidaas darteed waxa noo caddaatay muhiimadda uu beesha u leeyahay kulan la isugu yimaado,
Waxaanu go’aansanay in aanu iclaamino shir aan caadi ahyn oo ka dhici doona insha allah Buurta sheekh ee Gobolka Saaxil,taariikhduna waa 20 october 2019.
Waxa la idinka rajeynayaa in aad wakhtiga
Ilaalisaan
Wabillaahi towfiiq
By  kolenayl Giire
abibakar6752@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker