Nin Somali Ah Oo FBI-da Maraykanka U Ahaa Turjumaan Oo Ay Xidheen Markii Uu Kasoo Laabtay Soomaaliya

Turjumaanka oo magacisia lagu sheegay C/risaaq Xaaji Raage Wehliye oo 66-jir ah ayaa la sheegay in la xidhay Habeenkii Sabtida, kadib, markii uu ka soo laabtay Somalia oo muddo 9 bilood wax ka dhigayey Jamaacad ku taalla gudaha Soomaaliya.

 

C/risaaq Xaaji Raage Wehliye oo ah Khabiir Luqadaha waxa uu Qandaraasle Turjumaan ah ka ahaa Hay’adda Dembi-baarista fedealka Maraykanka ee FBI-da sannadihii 2012-kii ilaa 2015-kii, isagoo Hay’adda u turjumi jirey dadka la tuhunsan yahay iyo codadka sheekeysiga Telefoonadda ee la duubo.

 

FBI-da waxay sheegtay inuu Ninkaasi beeniyey codkiisa oo la duubay xilli uu la hadlayey Nin lagu hayey dabagal iyo in Mobaylkiisa laga helay Cod (Voicemail) uu u soo diray Nin lagu tuhunsanaa inuu ku biiray Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

 


Waa qofkii 3-aad ee ka tirsan qoyska C/risaaq Xaaji Raage Wehliye ee loo xidho baadhitaano la xidhiidha waxa ay Reer Glabeedka ugu yeedhaan Argagixiso, laakiin, Qareenka difacaa, oo lagu magacaabo Nina Ginsberg waxay sheegtay inuusan Kiiskiisa wax lug ah ku lahayn Kiisaska Wiilashiisa iyo inaan C/risaaq Xaaji Raage Wehliye lagu soo oogin wax la xiriira dhaqdhaqaaq Argagixiso.

 

Dhinaca kale, Wiilka Turjumaankaasi oo lagu magacaabo Yuusuf C/risaaq Xaaji Raage Wehliye waxaa horey loogu xukumay xabsi 10-sanno, kadib, markii lagu helay hawlgal uu ku kala gudbinayey hubka.

 

 

 

Sidoo kale, wiilka kale ee Yaxya C/risaaq Xaaji Raage Wehliye ayaa waxaa isagana la xukumay sannadkii 2017-kii, kadib, markii ay Hay’adda FBI-da xog-wareeysi baadhitaan la yeesheen kadib, markii uu ka soo laabtay Masar sannadkii 2010-kii.

Turjumaanka   C/risaaq Xaaji Raage Wehliye Iyo Qoyskiisa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker