Dawlado ka Mida Midawga Yurub Oo Qaybsatay Muhaajiriin Ku Xayiran Badda Dhaxdeeda

Lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa oggolaaday 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa iney qaabilaan, muhaajiriinta oo in mudda ahba laga hortaagnaa iney Talyaaniga iyo Malta ay galaan.ayaa imika u Muuqda kuwo Rajjo leh.

Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso marki ay maqleen in la qaabilayo. Ciidamada badda Malta ayaa muhaajiriintaasi soo badbaadiyey oo markabkooda ku hayey balse Malta Waxay diidday iney halkaasi ku sii sugnaadaan.

Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya ayaa oggolaaday iney muhaajiriintaasi qaabilaan.

Faransiiaska ayaa wuxuu oggolaaday inuu qaabilo 150 qof, halka Portugal ay qaabileyso 35 qof. Balse waddamada kale tirada dadka ay qaabilayaan ma aysan sheegin.

 

Maalintii Talaadada ahayd ee aynu soo dhaafnayna  100 muhaajiriin ah oo ku sugnaa markaba badda taagnaa 19 cisho ayaa loo diiday inuu ku soo xidho  jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga. Waxaana dadkaasi iney qaabilaan oggolaaday shan dal oo midowga Yurub ka tirsan oo keli ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa markabka muhaajiriinta badda ka soo badbaadiyey ugu baaqay inaanu ku soo xidhan Talyaaniga. Hadalkaasina waxaa uu ka dhashay kacdoonadii siyaasadeed oo ugu dambeeyay  , Taasina waxay sababtay inay Burburto Xukuumadii Wadaaga ahayd ee Talyaaniga  sababtoo ah waxaa isku dhacay Axsaabtii Xulufada ku ahayd Xukuumada Ka dhisan dalwsaynaha Talyaaniga  , waxaana Guuldarada ugu wayn La hoyday Xisbiga  populist Five Star.

Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa si weyn uga howlgashay sidi dadkaasi loo qaabili lahaa, iyada oo waddamada Yurub baaq u jeedisay marki ay muhaajiriinta badda laba toddobaad ay markab badda taagnaa dushiisa ku sugnaayeen.

Waxay hay’adda baaqeeda ku sheegtay iney dad u dhimanayaan nidaamka qaabilaadda muhaajiriinta oo meel lagaga dhacay dartii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker