Dawladda Kenya oo Xabsiga dhigtay Soomaali badan + Sababta
Gaarisa (OWN) – Ciidamada booliska gobolka Garrisa ee Kenya ayaa gacanta ku dhigay dad Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 12-qof.
Sida uu baahiyay Citizen Tv waxa shaqsiyaadkaasi lasoo qabtay kadib markii laga waayay dukumintiyo muujinaya jinsiyadahooda, xili ay saarnaayen gaari dowladeed.
Telefishanka oo soo xiganaya laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay shaqsiyaadkaasi ka dalbadeen hubinta howlaha ay wadaan, iyaga oo maraya buundada Garissa-Tana, kadibna ay cadaatay inay watan dukuminta aan sax aheyn.
Eedeysanayaashan ayaa loo haysta inaysan sax aheyn aqoonsiga gaadhiga ay wataan, kaasi oo ay ciidamadu xaqiijiyeen inuu ka diiwaan-gashan yahay wasaaradda horumarinta magaalada Gaarissa.
“Saraakiishu waxay ogaadeen in aqoonsiga la siiyey uu ka duwan yahay midka gaariga dhabta ah, waxay kaloo ogaadeen in gaariga uu ka diiwaan-gashan yahay wasaaradda horumarinta magaalooyinka Garissa” ayey yiraahdeen illo wareedyo dhanka laamaha amnigu.
Arrintan ayaa imaneysa xili uu tuhun badan ka jiro dalka Kenya, kaasi oo la xiriira ka ganacsiga dhoofinta dadka, maadama marar hore dad badan lagu dhoofiyey gawaari aan wadan sharciyo sax ah.
Dabayaaqada isbuuci hore unbey aheyd markii ciidamada Kenya ay fashiliyeen kooxo ku howlanaa dhoofinta dadka, isla markaana ay