Diyaarado Dagaal oo Duqaayn Ka Fuliyaay Gudaha Somaliya

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo xoogan waxa ay xalay ka fuliyey deegaanka ee ka tirsan Gobolka Shelleeda hoose kuwaa oo ay ku sugnaayeen xubno katirsan dagaalamayaal Al-Shabaab

Diyaaraha oo la sheegay iney la socdeen ciidamada danab ayaa duqeymo ku garaacay xarumo iyo Maxkamadd ay Al-Shabaab ay ku lee yihiin deegaanka Tooratoorow, oo ka tirsan Gobolka Shelleeda hoose

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in duqeymaha kadib ay soo dageyn ciidamo Soomaali ah kuwaas oo shaqsiyaad joogay ee deegaankaasi horay u ka xeestay.

Ma cadda ilaa iyo haatan khasaaraha gaaray dadka shacabka ah balse kooxdii deegaanka joogtay ayaa isaga baxday, kadib duqeeymaha ay halkaasi ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka.

Shaqsiyaadka ay ciidamadu wateen ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay ilaa iyo 10 qof waxaana la tilmaamay in diyaaradii ay saarnaayeen ciidamada lagu qaaday.

Majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo kasoo baxay militeriga Soomaaliya iyo howlgalka Mareykanka ee Afrika ee aficom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker