Hay’adda UNHCR Oo Tahriibayaal Ay Soomaali Ku Jirto Ka Dhoofiyey Dalka Liibiya

Ku dhawaad 150 qof  oo isugu jira qaxooti iyo magangalyo doon ayaa diyaarad lagaga qaaday magaalada Tripoli ee  dalka Liibiya, iyaga oo la geeyay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxaa arrintaas fuliyay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

 

Dadka la sii qaaday ayaa ka soo kala jeeda Soomaaliya, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan, badan kooduna waxay u baahan yihiin baxnaano caafimaad waxaana haysa nafaqa darro.

 

Dadkaas dib u dajinta loo sameeyay waxaa ka mid ah 65 carruur ah oo 13 ka mid ah ay da’doodu ka yartahay hal sano.

 

Mid ka mid aha carruurtaasina wuxuu dhashay labo bilood ka hor, dad badan oo quuddaraynaya in ay Yurub aadaan ayaa ku xayirma Liibiya qaarkoodna waxaa lagu xiraa xarumo dadka lagu hayo oo xaaladdoodu aad u liidato. Xaaladdii sidaa ahaydna waxaa uga sii dartay dagaalka ka socda magaalada Tripoli.

 

Jean-Paul Cavalieri oo ka tirsan hay’adda UNHCR oo ku sugan Liibiya ayaa sheegay loo baahan yahay “in la sameeyo daad gurayn banii’aadminimo oo dheeri ah”.

 

Arin tani ayaa imaanaysa xili Dad badan oo ay soomaali ku jiraan ay wali ku dhibaataysan yihiim Dalka Liibiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker