Ururka AlShabaab Oo Soo Bandhigay Magaca Iyo Qabiilka Ninkii Dadka Badan Ku Dilay Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Muqdisho.

Muqdisho-(OWN)-Al-shabaab ayaa baahisay magaca iyo qabiilka uu ka dhashay Ninkii dhawaan isku qarxiyay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab waxa ay magaca Ninka is qarxiyay ku sheegeen Jamaal Jeylaani oo ka soo jeeda Qabiilka Murasade.

Weerarkaas oo dhacay 22-kii Bishan December ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 20 Qof waxaana ka mid ahaa afar ka mid ah shaqaalaha TV-ga Universal oo uu ku jiray Wariye Cawil Daahir Salaad Allaha u naxariistee.

Sidoo kale weerarkaasi waxaa ku dhintay 7 Askari oo ilaalo u aheyd Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Gobolka Banaadir Tuulax iyo askar ka tirsan ciidanka Koofi gaduuda Madaxtooyadda.

Ninkaan isqarxiyay, sidoo kalena dad badan noloshooda galaaftay ayaa wuxuu ka mid ahaa raggii Shabaab ee Muqdisho ka dagaalami jiray, xilligii Shabaab furumaha dagaalka ay ku lahaayeen Xamar.

Dhowr jeer oo hore ayey Shabaab soo bandhigeen Magacyada iyo qabiillada Dadka iyaga ka midka ah ee geysta weerarrada is qarxinta ah iyo kuwa ay ku qaadaan dhismayaasha Dowladda Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker