maanso . yayga dege weyday

MAANSO . YAYGA  DEGI WEYDAY

Keene iyo kordhiye.

Keene . waaryaa kordhiye saaxiib waxa aan ku weydiiyay

Berigii hore dadku wuu is yaqaanay oo degmaba waxbaa

Loogu soo hagaagi jiray immika waxay noqotay is barbar yaac

Way wada qudhinay-saa way wada hanjabay saa way wada

Faanay-saa bal saaxiib wax igu kordhi .

KEENE . saaxiib haddaan kuu kordhiyo waxa weeye qaar taariikh-dii

Hore ee la qoray aan meel ku lahayn ayaa doonaya inay taariikh

Samaystaan taasina ma suura gelayso waayo taariikhdu waxay

Ku koobnayd wakhtigii adkaa waanay xidhantay immika waa la

Akhristaa  uun .

Immikana waa afartii oo iyana kuu kordhin doonta.

MAANSADA LA YIDHAA WAYGA DEGI WEYDAY

Waxa ay daba socotaa maanso hore ninkale Ucuriyay

Daan daansi qalad roorayaa

wayga degi waayay

danbaa tidhi dagaalkii la galay

door horoo tegaye

fulihii dudada roora yee

luqunta diinee yay

doobtiisan uu qudhina yaa

wayga degi weyday

dawladaha raggii jebiyayee

dacarta leefsii yay

ayaa loo dar daar werinayaa

wayga degi weyday

.

Kii doraato soo xera geshee

Faqashna daa duunshay

Ayaan manta kalax loo darayn

Wayga degi weyday

Wixii shalayto aan diida yee

Uu damqaday jiidhku

Dhigeedii dadaal ugu jirkaa

Wayga degi weyday

Inuu shiigi soo daba dhaw yahay

Duubis laga dhawro

Dameerahan libaaxaw hanjabay

Wayga degi weyday

.

Hashan dabarka lagu soo xidhee

Kumanka deeqaysay

Ee digirin kayntii qarsoon

Doobi kaga maalo

Kelidood durduur uga dhamaan

Loo danbarinaayo

Geesi yadina ay daawad yiin

Yayga degi weyday

Dubbe iyo hangool qaada oo

Fiid is daba yaaca

Dibjiradana tooreey udhiib

Madaxda soo dooxa

.

Dimquraadi-baan sidan ku ahay

Yayga degiweyday

Dabqulaal ayaan hurina yaa

Daan kastaba gaadha

Doolar kana tolkay baa ha yiyo

Delebka laaluush ka

Daacadina way iga fogta hay

Inaan udoon yaysto

Duruustaydu waa dil xidh iyo

Wada digtoonaada

Sidaydaana igu dugsada

Yayga degi weyday

Boqolaal ka daranoo jiraa

Wayga degi weyday

Q guuleed liibaan    LONDON

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker