Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo maanta magaaladda Hargeisa ku Daahfuray Shirwayne lagu qiimaynayey Maamulayaasha Gobolada iyo degmooyinka dalka ee Waaxaha Kastamada iyo Cashuuraha Barriga.
Hargaysa:(OWN)-Shir-weynahan Oo maalinta barri ah soo xidhmi doona ayaa waxa hadal ka jeediyey Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiir Ku xigeenka Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Dhago-wayne, Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Daa’uud Geedi, Agaasimaha Waaxda Kastamadda Maxamed Axmed Wayrax iyo Agaasime Ku Xigeenka Cashuuraha Barriga Khadar Maxamed Maxamuud, kuwaas oo dhamaantood soo bandhigay Mihiimada ay kulamada noocan oo kale ah u leeyihiin Dakhli ururinta iyo guud ahaan Shaqada wasaaradda maaliyadu qaranka u hayso.
Sidoo kale waxa shirkaas hadal kasoo jeediyey Dhamaan Maamulayaasha Kastamada iyo Cashuuraha Barriga, kuwaas oo mid walba Tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey Waxyaabihii u qabsoomay, sida uu yahay wakhtigan dakhliga laga rabay inay soo saaraan.
Madaxda wasaaradda horumarinta maaliyadda ugu soo bandhigeen Caqabadaha shaqo ee haysta
Dhinaca kale Masuuliyiintii Tababarkaasi iskugu timid waxay halkaas sidoo kale isku waydaarsadeen Khibrado shaqo, iyagoo xubno ka mid ahi ay halkaasi ku soo bandhigeen Dhacdooyin cajiib ah oo ay la kulmeen mudadii ay shaqeynayeen
Shirwaynahan oo muddo laba maalmood ah socon doona ayaa qaybtiisii hore oo galinkii hore ee maanta qabsoontay loo qabtay Waaxda Kastamadda, halka galinkii danbe-na gaar loogu qabtay Waaxda Cashuuraha Barriga.