Diintii Islaamku Ma Waxay Noqotay In Wixii Baadila Lagu Raali Geliyo Eeyda Yuhuudu Leedahay????????!!!!!!.

Tan Iyo Maalintii Uu Geeriyooday Madaxwaynihii Wadanka Masar Ee Lagu Soo Doortay Doorasho Xor Iyo Xalaala Oo Aanay Weligeed Taariikhda Inta La Ogyahay Wadanka Masar Aanay Ka Dhicin Doorasho Xor Iyo Xalaala Balse Xukunka La Kala Wareegi Jireen Saraakiil Dhiiga Shacabka Ku Nool, Wadanka Keli Talisnimo, Dib U Dhac Iyo U Fataalis Yuhuuda Iyo Mucatab U Dirirka, Loona Adeegsado Sidii Ay Dhiigooda U Banaysan Lahaayeen Culimaaudiinka, Xaafudul Quraanka, Ganacsatada, Siyaasiyiinta Ehlu Diinka Ah, Ujeedada Ugu Waynina Tahay Saraakiishii Dhiigyo Cabka Ahi Dhaqaalaha Ugu Wayn Inay Ka Helaan Qoysaska Xukunka Xaaraanta Ku Haysta Ee Boqortooyo Ku Sheegta Wadanka Sacuudi Carabiya Iyo Wadanka Imaaraadka Carabta, Boqortooyooyinkaas Oo Loo Soo Adeegsaday Wadamo Badan Oo Muslim Ah Sidii Loo Burburin Lahaa, Wadamadaas Oo Laga Waayay Inay U Fataalaan, Una Shaqeeyaan Wadamadda Maraykanka Iyo Maamul Hoosaadka Yuhuuda.
Wadamadda Boqortooyooyinku Burburiyeen Waxaa Ka Mida Falastiin, Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq, Tuuniisiya, Liibiya, Suuriya, Yaman, Suudaan, Masar.
Booraan Hadimo Ha Qodin Haddii Aad Qodidna Ha Dheerayn, Labadda Boqortooyo Waxay Guryahooda Kala Baxeen Culimaaudiin Badan Oo Xakha Sheegi Jiray Oo Nolol, Geeri Midna Laga War Hayn Iyo Meel Ay Ku Sugan Yihiin.
Dilkii Jamal Khashoggi Ee Sida Foosha Xun Ay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya U Dileen Ayaa Daaha Ka Fayday Culimaaudiin Badan Oo Tobaneeyo Sano La Waayay Sida Saxafigaas
Loo Galay.
Labadda Dhaxal Suge Ee Sacuudi Carabiya Iyo Imaaraadka Carabta Dhibaatooyinkii Faraha Badnaa Ee Ay Gaysteen Aabayaashood Waxaa Bara Dheeraaday Labadan Dhaxal Suge Oo Lagu Eedaynayo Inay Sabab U Ahaayeen Dilka Lagula Kacay Madaxwayne Muxammad Mursi Allaah(Swt) Ha U Naxariistee, Labadda Dhaxal Suge Yagoo Bixiyay Dhaqaalihii Lagu Af-Gambin Lahaa Madaxwayne Mursi, Xabsiga Marka Lagu Hubsadana Laga ILaaliyo Adeeg Caafimaad, Mursi Oo Lahaa Xanuunka Macaamka, Beer Xanuun Iyo Kelyo Xanuun, Oo Weliba U Dheerayd In Lagula Kaco Jidh Dil, Bah Dilaad, Ixtiraam Daro.
Wadamadda Muslimiinta Madaxdooda Oo Noqday Madax Xaga Diinta Ka Aradan, Madax Aan Lahayn Damiir Diimeed, Madax Aan Lahayn Damiir Islaamnimo, Madax Aan Lahayn Damiir Muslimimo, Oo Aad Moodid In Xabad Dhafoorka Lagaga Hayo, Oo Garan Waayay Inay U Tacsiyadeeyaan Saxafigii Boqortooyadda Sacuudi Carabiya Moofaysay, Balse Saxafiga Xasuuqa Waxshinimada Ah Ee Loo Gaystay Loogu Hambalyeeyay Dhiigyo Cabyada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, Madaxdaas Muslim Ku Sheegu Maantana  Ay Ku Faraxsan Yihiin, Una Kala Dheeraynayaan Dilka Wada Jirka Ah Ee Ay Kula Kaceen Eeyda U Adeegta Yuhuuda Waa Labadda Dhaxal Suge Iyo Cabdulfataax Sisi.
Laba Wadan Oo Muslim Ah Ayaa Lagaga Tukaday Masaajidadooda Salaatul Jinaazaddii Marxuum Muxammad Mursi, Waa Wadanka Turkiga Iyo Wadanka Qadar Ama Gadar.
Diintii Islaamku Goormay Noqotay In Madaxwayne Ehlu Diin Ah Oo La Jidh Dilay, Loona Diiday Daryeel Caafimaad In Masaajidada Salaatul Jinaazo Lagaga Tukan Waayo, Afkana Ay Soo Marin Kari Waayaan Culimaaudiinka Iyo Madaxda Muslimku!!!!!!!.
Shacabwaynaha Muslimiinta Caalamka Waxaa U Baxay Dareen Aad U Wayn Oo Wakhti Aan Fogayn Allaah(Swt) Soo Saaro Dhalinyaro Badan Oo Lagu Qiyaaso 20,000,000 Labaatan Milyan Oo Jihaadka Islaamiga Ee Caalamka Ka Maqan Soo Nooleeya, Kana Xoreeyaan Shacabka Muslimka Ah Boqortooyooyinka Daalimiinta Ah Iyo Saraakiisha Milateriga Ee Xukunka Ku Qabsada Inqilaab, Wadanka Masar, Sacuudi Carabiya Iyo Imaaraadka Carabtu Waxay Noqonayaan Meelaha Ay Ka Taliyaan Eeyda U Adeegta Yuhuuda Iyo Maraykanka Oo Haddii La Xoreeyo, Wadamadda Kale Ee Muslimiintuna Xoroobayaan Insha Allaah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker