Madaxwayne Muuse Biixi oo Siyaasadeeyey Martiqaadii uu ka Helay Sucuudiga kasoo ku saabsanaa Gudashada Acmaasha Xajka
Boqorka Sucuudiga ayaa Madaxweynaha Somaliland ku dartay martida uu Boqorka Sucuudigu sanad walba ku sadaqaysto gudashada acmaasha Xajka.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga ayaa uga mahadceliyay martiqaadka uu ku sharfay, isagoo sheegay inay talaabadaasi xoojinayso Xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Sucuudiga.
Muuse Biixi ayaa warqadda uu u diray Sucuudaga waxa uu ku sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan, islamarkaana ay isagana ay masuuliyaddiisa tahay ilaalinta sharafta dalkiisa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu dalbaday in lasoo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, kaas oo loo sameynayo hab maamuus madaxweyne iyo in loo abaabulo kulan gaar ah oo uu la yeesho Boqorka Sucuudiga.
Madaxweyne Biixi wuxuu warqaddiisa ku muujiyay inuusan martiqaadka Boqorka ku tagi doonin Xajka haddii aan la fulin qodobada uu dalbaday.
Boqortooyada Sicuudigu wax jawaab ah kama bixin qodobada uu dalbaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.