Maxkamadda Ciidamada Somaliland Oo Xukuno kala Duwan ku Riday Askar Fulisay Dhacdadii Wajaale.
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Xukuno kala duwan ku riday Saddex Askari oo ka Tirsan kuwa Booliska Somaliland.
Maxkamadda ayaa Maxamed Yaasiin Faarax oo ah Askari Boolis ah ku Xukuntay dil Toogasho ah, kaasi oo la sheegay inuu Marxuum lagu magacaabi jiray Caydaruus Maxamed Daahir ku dilay duleedka Magaalada Wajaale.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa Xukun xabsi 11 sano ah ku riday labada Askari oo kale laguna Kala Magacaabo Cabdinaasir Maxamuud Guuleed iyo Cumar Maxamed Cabdi, kuwaasoo oo Garsoorka Somaliland Sheegeen in Lagu Helay Dambi ah ka qayb Qaadashada falal Dil iyo Jidhdil iskugu jiray oo ka dhacay Wajaale
Maxkamadda ayaa labadaas Askari ku heshay Kiis ah inay ku lug lahaayeen falkii dilka ahaa ee uu geystay Maxamed Yaasiin Faarax oo ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska.
Si kastaba Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Somaliland ayaa todobaadyo kahor xukun dil ah ku fuliyay in ka badan shan ruux, kuwaasi oo lagu helay falal dil ah ay geysteen.