Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Sahacabka Soomaaliyeed Ka Tacsadiyeey Geerida Eng Yariisow
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro ) ayaa shacabka soomaaliyeed ka tacsadiyeey geerida naxdinta leh ee ku timi gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo ku geeriyooday wadanka Qatar.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa fariin uu soo dhigayย bogiisa Facebookย ayaa u dhignayd sidan: –
” Waxa aan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman [Yariisow] Duqii iyo Guddoomiyihii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Illaahay waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto, qoyskiisii iyo dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Walaaltinimada isirka Soomaaliga ah ayaa ka sarreysa siyaasadda iyo waxa inaga dhaxeeya.”
Marxuum Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman [Yariisow]