Saraakiil ka Socda Dawlada Islaam nacaybku ka batay ee Burma oo la Kulmay Masuuliyiin kasoo jeeda Qoomiyada Roghingya

Wafdi ka socda xukuumadda Burma ayaa hogaamiyayaasha qoomiyadda Rohingya kula kulmay xero qaxooti oo ku taal Bangladesh.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadlayaan sidii dadkaa qaxootiga ah dib loogu celin lahaa dalkoodii hooyo.

Wadahalladan ayaa waxaa lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwo togan.

Ku dhawaad hal milyan oo qof oo Rohingya ah ayaa waxa ay isaga soo carareen mowjado isir sifayn ah oo 2017-kii ka dhacay waddanka Myanmar, dadkaas intooda badan waxa ay haatan ku nool yihiin xeryo qaxooti oo dayacan oo ku teedsan xadka dalkaasi uu la leelayahay waddanka Bangladesh.

Haddaba dowladaha Bangladesh iyo Myanmar ayaa 20 bilood ka hor waxa ay gaadheen heshiis dib dadkaasi loogu celinayo, hasayeeshee waxaa arrintaasi gaashaanka u daruuray hogaamiyayaasha Rohingya.

Ma ay jirto cid ka tirsan qowmiyaddaas u badan Muslimiiinta laga tirada badan oo iskeed dib ugu laabatay dalkaas ay mudada tobannaanka sanadood ah cadaadiska kala kulmayeen halkaas oo xitaa loo diiddan yahay xuquuqda muwaadinnimada.

Myanmar ayaa haatan waxa ay u muuqataa inay iskudayayso inay qaxootiga ku qanciso inay dib ugu laabtaan dhulkooda hooyo waa gobolka Rakhine ee.

Maanta oo Axad ah ayey labada dhinac yeelan doonaan wadahadallo kale.

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha Rohingya ayaa sheegay inuu ku celinayo dalabkii ahaa in Myanmar ay Rohingya u aqoonsato inay yihiin qowmiyad jirta, haddii aanay sidaas sameynna aanay dib halkaasi ugu laabanayn.

Dowladda Mareykanka ayaa bartimihii bishan waxa ay cunaqabatayn ku soo rogtay janaraalka ugu sarreeya ciidammada Myanmar iyo saddex sarkaal oo sarsare oo kale, iyadoo saraakiishaasi ku eedaysay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah aadanaha oo ay u gaysteen Muslimiinta Rohingya.

Jaranaallada iyo qoysaskooda ayaa waxaa laga mamnuucay inay Mareykanka galaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya in jenaraalladu ay ku lug lahaayeen howlgal qulqulatooyin watay oo 2017 lagu beegsaday Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay, halkaas oo ay tacaddiyada ka soconayeen.

Dowladda iyo milateriga Myanmar ayaa waxa ay cambaareeyeen cunaqabataynta.

Kumannaan qof ayaa ka qaxay guryahooda iyadoo ay sii xoogeysteen rabshado labo maalmood ka socday gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Xubno ka tirsan Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ayaa u baxsaday xadka dalka Bangladesh, balse ilaalada xadka Bangladesh ayaa dib u celinaya dadka.

Rabshado ayaa bilowday kaddib markii dagaal-yahannada Rohingya ay weerareen 30 saldhigyo booliis Jimcihii, iyadoo isku dhacyana ay bilowdeen Sabtidii.

In ka badan 100 qof oo badankood kacdoon waday ayaa lagu soo warramayaa in la dilay.Gobolka Rakhine, oo ah gobolka ugu saboolsan dalka Myanmar (oo sidoo kale loo yaqaanno Burma), ayaa hoy u ah in ka badan hal milyan oo qof oo ka soo jeeda qowmiyadda Rohingya.

Waxay gudaha Myanmar oo laga aaminsan yahay diinta Budhism-ka ku wajahaan xayiraad adag, iyadoo xiisadda kala dhexeysa bulshada ku xooggan dalkaasi ay soo jiitameysay muddo sanado ah.

Tobnaan kun oo ka tirsan Rohingya ayaa hore ugu qaxay Bangladesh, iyagoo ku eedeynaya maamulka Myanmar inay qowmiyad ahaan u beegsato.

Booliiska Bangladesh ayaa sheegay inay ku qasbeen 70 qof inay dib ugu laabtaan Myanmar Sabtidii kaddib markii ay ka war heleen inay u socdaan xero qaxooti, iyagoo Bangladesh ka galay xadka Ghumdhum.

Balse ilaa 3,000 oo Rohingya ah ayay u suurto gashay inay dalkaasi galaan oo ay magangalyo ka helaan magaalooyin iyo xeryo ku yaalla dlkaasi.

Dhanka kale, ilaa 4,000 oo qof oo aan Muslimiin ahayn oo ku sugan Rakhine ayay ciidamada dalkaasi ka saareen gobolkaasi iyagoo ammaankooda u baqay. Lix qof ayaa lagu dilay rabshadaha halkaasi ka socda.

Waa rabshadihii ugu cuslaa ee ka dhaca gobolka Rakhine tan iyo bishii October 2016, markaas oo sagaal nin oo booliis ah lagu dilay bar-koontaroollada xadka dalkaasi. Dowladda ayaa sheegtay in weerarradaasi ay qaadeen koox ka tirsan dagaal yahannada Rohingya.

Weerarradaasi ayaa horseeday ugaarsi ay milatarigu ku beegsanayaan qowmiyadda iyagoo u geysanayay dil, kufsi iyo jirdil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker