Gobolka Togdheer Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Tallaalka Xannuunka Covid 19.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd iyo isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolkaas Dr. Aadan Casayr, taliyaha qaybta booliska ee gobolkaas gaashaanle dhexe Maxamed Faarax Nuur iyo masuuliyiin kale oo tallaalkaas si rasmi ah u qaatay ayaa sheegay in talaalkaasi yahay mid aan wax dhibaato ah lahayn, iyagoo guud ahaan dadka ku nool gobolka Togdheer u soo jeediyay inay tallaakaas qaataan.

Xog-hayaha fulinta ee dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan ayaa shacabka ku nool magaalada Burco ku dhiirigeliyay inay tallaalkaas qaataan, isla markaana ay fuliyaan amarada guddida heer qaran ee xakamaynta Covid 19 iyo tilaamaha wasaaradda caafimaadka ee ku saabsan ka feejigaanta xannuunkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker