Kooxda Daacish Oo Laba Askari Ku Dilay Waqooyiga Israel
Kooxda Daacish ayaa maanta sheegatay masโuuliyadda toogasho ka dhacday waqooyiga Israel oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah, sida uu ka warramay bayaan lagu baahiyey website-ka dacaayadda kooxdaas faafiya ee Amaq.
โLaba xubnood oo ka tirsan booliska dalka Yahuudda ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho ah,โ ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish oo aan inta badan sheegan weeraro ka dhaca gudaha Israel.
Kooxda ayaa sheegtay in laba ka mid ah dagaal-yahanadeeda ay fuliyeen toogashada oo Axaddii ka dhacday waddada Herbert Samuel ee magaalada Hadera ee waqooyiga Israel.
Waxay sheegatay in 10 kale lagu dhaawacay iskudhac xigay toogashada.
Horraantii bishan, Daacish ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyaheeda Abu Ibrahim al-Qurashi waxayna u magacowday Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi inuu beddelo.