Gudiyada Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia oo dib uga furmaya Jabuuti iyo wararkii ugu dambeeyay

Hargeysa (OWN) – Kadib shirkii Jabuuti ee Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa la filayaa in kulamada guddiyada farsamada ee labada dhinac ay kulamo kale iskugu yimaadaan caasimada dalka Jabuuti.

Guddiyada farsada Somaliland  iyo Somalia ayaa lagu wadaa inay kulmaan 14- Maalmood  kadib, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye.

 

Kulankaasi ay iskugu imanayaan guddiyada labada dhinac ayaa  lagaga wada-hadli doonaa sidii loo dhameystiri lahaa, isla markaana loo hirgelin lahaa heshiiskii hordhaca ahaa ee labada dhinac ay wada gaadheen.

Waxaana kulankaasi hogaamin doonta dowladda Jabuuti, gaar ahaan wasaaradeeda arrimaha dibada, oo iyadu hore u sheegtay inay ka go’an tahay in xal buuxa loo helo xiisada ka dhex taagan Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

Guddiyada kulmaya ayaa ah kuwa gaar ah oo labadda dhinac ka socda, isla markaana sii ambo qaadaya wajiyada kale ee wada-hadalada, iyada oo muddo ka siman lix todobaad ay kulmi doonaan Wasiirada labadda dhinac ee qeybta ka ah wada-hadalada bilowday.

 

 

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa si cad u sheegay inay diyaar u yihiin inay gudiyadooda farsamo ay dalkaasi u safraan marka la gaaro xiliga loo balamay kulanka oo ku siman 14-maalin kadib.

 

 

Wada-hadalada labada dhinac ayaa u muuqda kuwo aan wax badan ka duwaneyn kuwii hore ee dowladihii Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh, iyada oo qodobadii dhowaan laga soo saaray kulankii u dambeeyay ay u muuqdeen kuwo lasoo min-guuriyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker