Shaqaalaha Muruq-maalka Dhismaha ayaa Saaka Magaalada Berbera dhaawacyo ugu gaystay Laba ka mid ah Shaqaalaha Ajaaniibta
Shaqaalaha Muruq-maalka Dhismaha ayaa Saaka Magaalada Berbera dhaawacyo ugu gaystay Laba ka mid ah Shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ay Keensadaan Shirkadaha dhismayaasha dalku.
shaqaalaha Ajaaniibta ee la dhaawacay ayaa ka Hawl gelaayey shirkadda dhismaha Ee #Tawfiiq.
Mudooyinkii u danbeeyay ayaa Cabashooyin iska soo daba noqnoqonayey kasoo baxayeen Shaqaalaha Muruqmaalka ee ka shaqaysan jiray shaqooyinka hoose Kuuliga iyo Wastaadka
Shaqaalaha muruqmaalka ayaa ku Eedeeyey in shirkadihii dhismayaasha dalkuna ay shaqaale ka keensadaaan Dalka debadiiisa.