Mareykanka Oo Qorsheeyey Weerar Uu Ku Qaadayo Dalka Iran
USA (OWN)- Wargayska muxaafidka ah ee Wall Street Journal ee kasoo baxa dalkan Maraykanka ayaa sheegay in sannadkii hore Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ee Aqalka Cad oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Amniga Qaranka John Bolton uu Wasaaradda Gaashaandhigga weydiistay isku dubaridka qorshayaal lagu duqayn karo Iraan.
Tallaabadan ayaa wargaysku sheegay inay ka dambaysay markii hoobiyeyayaal ay kusoo dhaceem meel u dhow safaaradda Maraykanka ee Baqdaad bishii Sebtember kuwaasi oo aysan cidna waxba ku noqonin. Ma cadda in qorshayaashan loo bandhigay Aqalka Cad iyo inuu ogaa Madaxweyne Trump.