Waa Maxay Ujeedada Madaxweynaha Jabuuti Ugu Yeedhay Waftigii Somaliland Ka Tagay Ee Uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Mas’uuliyiin Sar sare oo ka tirsan Dawladda Somaliland, kuwaasoo Doraad galab u dhoofay dalka Jabuuti.

 

Wafdiggaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaanay sida lasoo wariyay kulan la yeelan doonaan Madaxda ugu saraysa dalka Jabuuti.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Geelle uu kala hadli doona Mas’uuliyiinta xisbiga tallada haya in ay aqbalaan in dib loo bilaabo Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan tagay dalka Jabuuti, waxaana uu ka codsaday in uu garwadeen ka noqdo Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yaqaanaa in uu dadaal badan ku bixiyo Wadahadaladda Umadda Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker