Dad lagu laayay qarax ka dhacay Dalka Afqaanistaan

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga dalka Afqaanistaan.

qarax

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow dhismaha xafiiska badhasaabka gobolka ayaa sidoo kale waxaa uu burburiyay dhismayaal ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Madaxweynaha dalkaasi Ashraf Ghani, ayaa saacada ka hor qaraxa booqday magaaladaasi.

Sarkaal ka tirsan kuwa gobolka ayaa sheegay in siddeed ka mid ah dadka qaraxaasi ku dhintay ay ahaayeen xubno ka tirsan Hinduuga laga tirade badan yahay oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Ghandi.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Qaraxa ayaa ku soo beegmayo maalin uun kaddib markii dowladda dalkaasi ay billowday hawlgal ka dhan ah mintidiinta Taalibaan kaddib xabbad joojin hal dhinac ah oo ay Taalibaanku ku dhawaaqeen xilligii ciidul fidriga

SOURCE:-BBC SOMALI NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker