War Deg-Deg Ah Ciidamada Itoobiya Oo Xabsiga Dhigay Sheekh Mukhtaar Rooboow.
Baydhabo-(OWN)-Warar xiligan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya xireen kaddib markii ay kaxeysteen meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Baydhabo.
Wararka xog ogaal ah ayaa sheegaya in Mukhtaar Rooboow lagu ballamiyay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed, kaddibna halkaa ka kaxeysteen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ka hor inta aan la xiran loo geystay jirdil, hasse ahaatee ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya jir dilkan la sheegay.
Xaalada magaalada ayaa lagu soo waramayaa in ay kacsan tahay ilaa iyo haddana ma jirto faah faah faahin intaa dhaafsiisan.
Mukhtaar Rooboow waxaa uu ka mid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, horeyna dowladda Soomaaliya qoraal ay u soo saartay waxaa ay ku sheegtay in uusan xilkaa u tartami karin.
Waxii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Kalasoco Oodweyne/News.com