Wasiirka Caddaalada Koofur Galbeed iyo dad kale oo lagu dilay qarax Is-miidamin ah

Wasiirka Caddaalada Maamulka Koofur Galbeed, Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo wiilkiisa ayaa ku geeriyooday qarax Saaladii Jimacaha ka dib ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Wasiirka iyo Ilaaladiisa, xilli ay ka soo baxeen Salaada Jimcaha oo ku tukadeen Masjid lagu magacaabo Bumbashar oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa jira dadka kale oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qarax. Ilaa 8 ruux oo dhaawac ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka wayn ee magaalada Baydhabo.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Wasiirka Caddaalada Koofurgalbeed.

Guddoomiyihii degmada Marka ayay aheyd markii sidaan oo kale Arbacadii ruux isi soo miidaamiyay uu isku qarxiyay isaga iyo Ilaaladiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker