Kor U Kac Ku Yimid Qiimaha Maciishadda Somaliland

Todobaadyadii  ugu  dambeeyey, waxa uu kor u kac ballaadhani ku yimid qiimaha maciishada daruuriga ah ee bulshadu quudato, taas oo laga dareemayey guud ahaan-ba suuqyada Magaalooyinka waaweyn ee Somliland

Maciishaddan kor u kacu ku yimid, ayaa waxa ka mid ah qiimaha badeecooyinka Raashinka oo ay ugu horreeyaan Sonkorta, Bariiska, Baastada, Daqiiqda iyo Saliida Cuntada oo ay cunnooyinka daruuriga ah ee shacabku ku nool yihiin taasi oo cidhiidhi galinaysa nolosha danyarta marka horeba sannadaha badan la soo dhibtoonayay qiim kaca mar walba ku yimaadda maciishadda daruuriga ah.

Labadii Toddobaad ee ugu danbeeyay ayaa kiishka sonkorta ah waxa ku kordhay afar doollar, halka uu kiishka bariiska ah uu ku kordhay saddex doollar iyo badh, daqiiqda iyana beryahaba sare ayay u socotay, kartoonka baastada ah hal doollar ayaa isna fuulay, kartoonka sunfluorka ka ah laba iyo toban doollar ayuu kor u kacay.

Dhanka kalena lama oga sababta keentay kor u kacan Maceeshada daruuriga ah, hase yeeshee, mid ka mid ah dad Bakhaarada ku haysa Hargeysa, ayaa Saxansaxo u sheegay in ganacsatada soo dejisaa, ay qiimaha kordhiyaan, marka Raashinku ku yaraado Bakhaaradooda, isla markaana Kaydooda gabaabsi noqdo, ee aanay Maraakiibna u taagnayn.

Ganacsatada Somaliland, ayaa iyagu kolba sida ay doonaan ka yeela qiimaha ay ku iibiyaan raashinka, waxaana meesha ka maqan doorkii dawladda ee ilaalin lahayd lana socon lahayd qiimaha raashinka lagu iibiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker