Wasiir Cawad oo faahfaahin ka bixiyay ahmiyadda xarunta Safaaradda Soomaaliya ku yeelatay dalka Maraykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire; Axmed Ciise Cawad , ayaa ka faah-faahin ka bixiyay dib u furista Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay.

Axmed ciise Cawad ayaa aad u bogaadiyay Guriga Safaaradda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kaas oo ay madaxda Dowladdu ka iibiyeen bartamaha Magaalada Washington D.C, waxa uu  sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan ka baqayn in la weydiiyo kiro ama laga saaro xarunta Dalka laga matalo.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa soo hadal qaaday xiriirka soo wanaagsanaanaya ee       kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay qaraarkii cunaqabataynta ahaa ee ay dhowaan golaha ammaanka u gudbisay Kenya in ay difaacday xukuumadda Washington.

Dhinaca kale, wasiir Cawad ayaa muhiimad weyn ku tilmaamay in ay Safaaradda Maraykanka dib uga howl-billowday Muqdisho muddo dheer ka dib, wuxuuna sheegay in ay wixii haatan ka billowda sare u qaadi doonto tallaabadan sumcadda Dowladnimodeenna, iyadoo uu xiriirka Labada Dalna nonon doono mid toos ah oo aan loo dhaxayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker