Jabhadda Col-Caarre oo Weerar Kafuliyey Magaalada Ceel-afweyn Galbeedka Sanaag Xukuumadduse Maxay Katidhi?

 

 

Habeenkii xalayto saqdii dhexe waxa Jabhadda uu hoggaamiyo Col-Caarre ee fadhigoodu yahay magaalada Qardho ay weerar ku qaadeen magaalada Ceel-afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag.

 

“weerarkani ma aha kii ugu horreeyey ee uu soo qaado Caarre weliba saacadda layidhaahdo nabaddii baa dhammaanaysa si nabadda loogu carqalad geliyo waa caado  waa tii maalintii horeba sidaasoo kale ayay ahayd markii Dararweyne uu soo weerari jirey oo sidan oo kale wax uga turtuuri jirey xalayna waa yimid oo xoogey buu tuurtuuray muddo  toban daqiiqo meelahaas ah, meelo gidaarro ah buu xabbado  ku dhufdhuftay ciidankii qarankuna waa ugu yimid markaa waa la baacsaday sidaasuuna magaalada kaga baxay”. Sidaas waxa yidhi Wasiirka Cayaaraha Somaliland Boos Mire oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Ceel-afweyn.

 

Wararka kale bulshadu isla dhexmarayso ayaa iyaguna sheegaya in jabhadda Col-Caarre muddo soddon daqiiqo kusiman ay kusugnaayeen gudaha magaalada Ceel-afweyn goobaha ay gacanta ku dhigeenna ay kamid yihiin xabsiga, xerada millateriga iyo guriga martida ee magaalada Ceel-afweyn.

 

Dhinaca kalena weerarkan ayaa ah markii saddexaad ee jabhadda Col-Caarre ay weerarro hubaysan ka fuliyeen degaannada gobolka Sanaag iyadoo ciidammo aad u tiro badanina kusugan yihiin degaannada degmooyinka galbeedka Sanaag iyo weliba magaalada Ceerigaabo.

 

Sikastaba ha ahaatee weerarkan jabhadda Col-Caarre soo qaadeen ayaan lasii saadaalin karin xilligan saamayn inuu kuyeelan karo imaatinka Madaxweyne Muuse Biixi ee gobolka Sanaag oo maalmaha soo socda lafilayo iyo in kale.

 

Oodweynenes.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker