Mahadnaqii Ramadaanta : Rakad Mxd Sultan

Mahadnaqa Koowaad waxa iska leh Allah oo caafimaad iyo cimri dherer noogu dhammeeyay Bishii Ramadaan, intaa ka dib Alle ha barakeeyo oo ha dhawro Marwadayda Nolosha ee waxkasta  Fahiima Hassan Ali oo bishii Ramadaan si gaara iigu diyaarinaysay Afurka, Cashadda iyo Suxuurtaba, iyadoon marna aan daaleyn ama aan ka caajiseyn saddexda wakhti iyo in ka badanba ee ay kijada gallayso anigoo ogaa innay ku jirto xaalad tii hore ka culus, Xaalad tii hore ka  kulul oo xeeba kana kulul  tii ay ku soo kortay ee Hargeysa oo Qabaw , iyadoo Ila qaybsanaysay Kuleelka Xeebta Berbera iyadoo awgay uga dooratay Meel qabaw inay ku noolaato oo Berbera ila dooratay.
Bisha Ramadaan waa bisha Billada Dumarka waxay shaqaysteen laba Kheyr oo waaweyn mar waa Soonka Bisha Ramadaan marna waa Diyaarinta Afuradda, Cashooyinka iyo Suxuurtaba iyadoo ay u dheer tahay Hawlaha kale ee guriga ee soo dhaweyn, diyaarin,  qaabeynta iyo qurxinba leh. Wakhtiyada qaarkoodna ay hormood u tahay wanaaga iyo Kheyrka xusuusintiisa iyo ku dedaalkiisaba.
Waxaan bilad Sharaf siiyey Marwadayda Qaaliga ah Fahiim Xasan Cali sidii Qiimaha badnayd ee Naf hurnimadda lahayd ee ay noogu dedaashay wakhtigii Barakeysnaa ee Bisha Ramadaan billadu maaha wax aan Abaalgud uga dhigayo se waa dhiirrigalin iyo innay dedaalkeedu noqdo mid sii labanlaabma ana aan u qirsan ahay waxqabadkeeddii iyo dedaalkeediiba.
Anigu ma qiyaasi karo dareenka aan ku cabirayo waxaan ugu abaalguddi lahaa, Qoraal maaha, Maal maaha, se waa Garasho iyo innaan la dareen noqdo, kuna idhaahdo ku mahadsanid dedaalkaagii iyo Dhabar adaygaagii bishii Kheyrka badnayd waanan ogahay Abaalka hooyo inaan Qoraal lagu soo koobi karin waan ogahay in Marwo kasta oo guri joogtaa ay tahay Nuurka guriga maalinta la arki waayana nuurkaasi uu damo!.
Mahadnaqu waa mid furan se kani waa mid aan idinku xasuusinayo in haweenku yihiin Lafdhabar  adag oo Alle guryaheenna ku qurxiyey una baahan in loo mahadnaqo lana dareensiiyo halka laga taagan yahay si bulshadda inta aan ogeyni u ogaato.
Dumarku waa Lafdhabarta iyo quruxda nolosha Ibnu Aadanka, Dumarku  waxaanay ragu qaban karin bay qabtaa  waxaannay qurxin karin bay qurxiyaan, waxaannay sammayn karin bay sammeeyaan, waa Laylatulqadar Alle u soo diray Ragga innay Nolosha ku kaalmeeyaan oo ka caawiyaa  si ay iskugu dheelli tirmaan.
Haddana iyagoo sidaas innoogu dedaala ayaynu oo nolosha innoogu qurxiya abaalkooda waxaynu ka dhignaa Kubsi, Dil, furniin iyo Faraxumeynba, Rag iskuma jiree rag aan dumar waxba ka aragnaa sidaa sammeeya.
Dumaraw abaalkiina Alle unbaa Guddi kara ana   Abaalka marwadayda Alle ayaan janno fardawsa u waydiinayaa insha Allah, waxaanan ugu duceynayaa Caafimaad, Camal wanaagsan iyo Nolol Farxad  badan in Alle siiyo , ana aan ogahay abaalkaaga Nololeed idinkana sidoo kale intiinna Hooyonimo isku diyaarinaysanna waxaan leeyahay hawlbaa idin sugaysaa Intaad Gurigiina joogtaan Casharo badan waalidkiin ka soo barta oo hawlaha guryaha ka socda marna ha ku sii deynina Hablaha kale ee idiin adeegga la shaqeeya inta ugu muhiimsanna Qabta. Si mustaqbalka aad si fiican ugu adeegtaan Odaygiina.
Dumarbaa Rag is dhaafshay.
Facebook: Rakad Mxd Sultan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker