Maxay Dr. Abiy Ahmed iyo Jawhar Mohamed isku hayaan?

Sida aad la socotaan  itiina badani waxaa soo laba kacleeyey kacdoonkii oromada oo ka socda degaamada ku hareeraysan magaalada Adisbaba ee caasimada Itoobiya iyo Xurunta midawga Afrika, waxaa ilaa hada ku dhintay qulqulatooyinkan dad gaadhaya 69 qof oo ay askari ku jirto, tiro kale ayaa ku dhaawacantay, halka dadkale oo badan la barakiciyey markii guryahooda la gubey hantidoodiina la boobey.

Maxuu salka ku hayaa kacdoonkani mase damayaa?

Kacdoonkani waa mid aan sida la moodayo u fududeyn waxaanu salka ku hayaa arin masiiriya islamarkaasina xasaasiya oo ay dood ka furtey warbaahinta Ormada OMN ee uu gacanta ku hayo Mr Jawhar Mohamed taas oo markii ay soo shaacbaxdey dhulgariir ku noqotey Xukuumada Itoobiya  iyo isbaheysiga xisbiga talada dalka gacanta kuhaya labadaba.

Taas oo kaliftey ama qasab kadhigtey in aanu raisal wasaaruhu ka aamusi karin balse uu wax ka yidhaahdo si aragtidiisa uu baarlamaanka dalku u maqlo.

Waa Maxey arintan xasaasiga ah ee ay wabaahinta Oramadu daaha ka faydey.

waa laba qodob oo ay oramadu ku taameysay tan iyo intii ay kacdoonka bilaabeen 3 sanno kahor kuwaas oo kala ah.

1- in Adisbaba loo magacaabo caasimada gobalka Oromiya isla markaasina ah  caasimada dalka Itoobiya.

2- In luqada Oromada laga dhigo midda rasmiga ah ee dawlada Itoobiya ku xidhiidho.

Waana sababta uu raisal wasaare Abiy Ahmed Cali  ugu eedeeyay Jawhar Mohamed in uu xuriyatul qawlkii si qalad ah u adeegsanayo isla markaasina uu rabo in uu qowmiyadaha dalka Itoobiya iska horkeeno.

Xurguftan ayaa ah mid halisteeda leh oo laga yaabo in ay mudo dheer socoto sababtana in ciidanka Itoobiya xoog adeegsadaan ama qoymiyadaha  Itoobiya ay kala kalsooni baxaan oo kala googoaan.

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyaad Cabdi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker