Booliska Kenya oo booqday beerta Uhuru Kenyatta ee weerarka lagu qaaday

Booliska dalka Kenya ayaa booqday beer ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kadib markii maalintii Isniinta qeyb ay gubeen dad soo duulay.

Dadkan dhaca geystay ayaa waxay jareen geedo, waxayna ka soo kaxeysteen xoolo beertaasi oo ku taala duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Askarta hubaysan ee goobta joogtay ayaan wax faragelin ah samayn, sida ay sheegayaan wararka laga helo deegaanka.

Talaadadii,booliisku waxay booqdeen beerta waxayna qiimeeyeen burburka – balse dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku dhaleeceeyay booliska inay goor dambe halkaasi booqdeen.

Booliisku wali wax war ah kama soo saarin weerarkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker