“War hooy turubkaa dib isaga baandhee” Dr. Galaydh

Galaydh: War Samatar walaxaa la sheegsheegayaaye ma isbeddel baa kugu dhacay?
Samatar: Maya Dr Galaydh weligayba ismaan bedelin, meeshii aynu isku ogayn ayaan weli taaganahay
Galaydh: War hooy waxan aad ii sheegayso iyo warka dhegahayga kusoo dhacayaa way is khilaafsan yihiin.

Samatar: Maxaad maqashay?
Galaydh: Anigu wax dheeraada maan maqale, bal hadda waraysigaad shalay Horn Cable siisay dib u dhegeyso.

Samatar: Wixii aynu ku wada soconnay wax ka geddisan maan sheegain.
Galaydh: War hooy anigu kulamaan ogayn 18ka May inay Victory -day tahay, far from it!. War hooy dadka Dila iyo aaggaa deggan hadalkaagan aad leedahay 18ka May “waa maalin la soo noolaaday” kulama qabaan.

Samatar: Miyaadan la socon inankii reer Sool ee Baarlamaanka in arrinkaa 18th of May lagu xidhay? Dee Hargeysa sidaan usii joogi karayaa, saw hadda garan maysid.
Galaydh: War hooy nin bood bood badan baa lagugu xaman jirey, wixii la sheegsheegayey waxbaa maanta iiga iftiimay.

Samatar: Maxaa talo ah?
Galaydh: War hooy warkaagaa Dila iyo Boorame lagama mahadinayn. Siyaasadduna geesinimay u baahan tahay iyo in cagaha dhulka adkeeyo.

Samatar: Dr. Galaydh meesha hunguri baa igaga jira oo wax baan ka quud daraynayaa, saw hadda garan maysid, dee nimankuna waa abtiyaday oo way idhaleen.
Galaydh: War hooy siyaasadda macruuf la isuma falo, xididka siyaasadu ka guntamaana waa inuu gurigaaga ku aasan yahay; remember Tip O’Neill’s phrase “all politics is local”

Samatar: Dee horta anigu meesha Boorame xidid adag kuma lihi, markaa Hargeysa iyo Gebiley ayaan sedkayga ka raadsanayaa. Abtigayna nin caana buu ahaa oo magac dheer ku leh reerka hooyaday ka soo jeeddo.
Galaydh: War hooy, siyaasadda Soomaalidu reer bay dabada la gashaa, abtigan iyo Gebileydan aad ku werdido adiguun baa isu sheegaye, nimankan reer Sheekh Isaxaaq wiil Samaroon ah bay kuu arkaan. Waxaa kaaga habboon adoo ka hadla Boon, Dila, Baki, Boorame iyo dooxadii Harawo.

Samatar: Meelahan aad sheegayso maxaa yaalla, xashiish baa yaallee, dadkooda dacdarrada ka muuqata miyaadan arag.
Galaydh: War hooy wiilyohow, “siddi siddidaada mooye dhul dhacaaga hubso”. Miisaankaagu hadba wuxuu leegyahay hadba inta aad xidhiidh la leedahay dadkaa qodaal leyda ah ee indhaha isku haysta ee aad xashiishka ku sheegayso. War hooy “identity crisis” baa iiga kaa muuqda.

Samatar: Dee maxaannu yeellaa bahasha siyaasaddu waaba dhakafaare, marba wadda hor leh baa kugu furmaysee?
Galaydh: War hooy dhan isugu luga duwo, Kulmiyaan ahay, Gebiley baan ku dhashay, Abtigay baa hebel ah, xerta tabliiqaan ka mid ahaanayaa, Cabdiraxmaan Cirro iyo Waddani baan ku cag darsanayaa, Booramaan ka cararayaa, taariikhda reerkaygaan ka baqayaa inaan qayb ka noqdo, 18ka May baa ah maalin la soo noolaaday…… war hooy waxaasi isma qabtaan.

Samatar: Dr Galaydh make no mistake, anigu nin xor ah baan ahay, critical analysis inaan wax walba ku cabbiro ayaan xaq u leeyahay, saw hadda garan maysid. Reer kayaga taariikhdooda kuma khasbani inaan ka mid ahaado.
Galaydh: War hooy waxa meesha yaallaa “academic discussion maaha, waa real politik”, ninka siyaasiga ahina xor maaha. War xornimo kuu khaasa iyo rayi kuu gaara haddaad rabtid, jaamacadaha iyo academic arena ayaa hawlahaasi looga baahan yahay. Siyasaddu waa xadhko isku murugsan oo u baahan xal siyaasadeed iyo in la is waafajiyo waxyaalo is diidan. War hooy ammintii afurtaa la joogaaye, bal turubkaa dib isaga baandhee.

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker