“Ummaddii Isku Maan ah Ayaa Meel Wada gaadha”

Waa halku dhiga 18May, Maalinta la soo noqoshada qaranimada iyo karaamadda Somaliland oo ku Aadan Sabtida Saadanbe.
“Dowladnimadu Maha wax Cirka ka soo dhaca ama Xoog iyo jujuub lagu hirgeliyo Ama Ciidan shisheeye iyo faragelin dibadeed lagu yaglleelo ama Caadifad iyo laab lakac lagu hindiso”
Lkn Dowladnimadu waa heshiis bulsho  oo ay isku waa faqaan bulsho kuwada nool Bii’o oo wadaaga dhib iyo dhiif Collaad iyo Nabad horrumar iyo dibu dhac  Islamarkaana Wax kastaa Si siman u Wadda Saameeyaan.
Dowladnimo aan heshiis bulsho ku Inman  ama lagu Kala taganyahay MA Waarto waxayna ku danbaysaa burbur iyo In Dadku Sida Caasha u Kala Yaaco Meel tallo laga gaadhna la waayo Sidii ku dhacday Jamhuuriyaddii Somalia (Somali Republic).
Ilaahay Mahadii Somaliland Waxay ku Timi Laguna Yaglleelay heshiis bulsho oo loo dhanyahay laga Soo bilaabo shirkii Burco ee Beelaha Somaliland (1991) iyo shirkii Boorama ee (1993) oo lagu dhamaystiray hay,daha dowlada Somaliland  dhidibadana loo sii adkeeyay qaranka Somaliland.
Marka Aan leeyahaye Somaliland waa heshiis bulsho oo loo dhanyahay taas Macneheedu Maha In la Mooganyahay tabashooyinka iyo turxaanta jirta ama jirikarta oo ay Nidaamka Dowladeed ka qabaan “In ka Mid ah bulshada Somaliland” Waanna Arin u taalla dhammaan bulshada Somaliland In ay Si wada jira u dawayso Xal raagana loo hello Si  wax kasta looga Midoobo Meelna loo wada jeesto.
Dariiqa loo Marayo xalinta tabashada  Maha In Dastuur la furo ama Waddo kale oo qarbo qarbo ah wax lagu doono Ama dib loo noqdo, lkn  wixii tabasho ah ee Jira waxaa wax ka qabadkooda looga fadhiyaa Madaxaweynaha talada haya iyo hay,daha Kala duwan ee Waddanku leeyahay oo kaashanaya wax garadka iyo aqoonyahanka Qaranku Jooga.
Marka Aan leeyahay Maha In dastuurka Cid gaar ah loo furo  Waxaan ku salaynayaa Majiro qodob ka Mid ah (130) qodob ee dastuurka Somaliland oo Cid gaar ah Xaqsiinya ama Cid kale Faquuqaya  Ama gobol sed,dheeraad ah Siinaya  Iwm. Dastuurka Somaliland wuxuu Xuquuq iyo Xaq isku mid ah Siiyay dhammaan bulshada Somaliland oo aan Kala soocnayn waxaana ka reeban Kala Sarayn iyo Sinaan la’aan Sababta darteed Ma garanaayo wax dastuurka loogu noqdo ama ay Cidi ugu doodi karto dastuurka Hana loo furo.
Ugudabayntii Somaliland Sagaal iyo labaatan Sanno ka dib waxay ku Naaloonaysaa wax badan oo ay qabsatay Sida, Nabad iyo degenaasho buuxa Xasilooni Siyaasadeed iyo Xaakim la doortay oo aan xulasho ku Inman iyo kalsooni ay dadkeedu ku qabaan Jihada ay ku socdaan.
Somaliland waxay ka wacan tahay dhan kasta Sidii ay ahayd (1991) ka hor  Waxay ka soo kabatay burburkii iyo barakacii ay ka dhaxashay Midnimadii Aan la Mahadi ee lixdankii, Somaliland waa tareen Dhaqaaqay.
Waa bilaahi tawfiiq
 Abdihafid Axmed Hurre, Burco

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker