Maxamuud Cabdi Shide “Tuur” iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” Laba Nin Oo Isku ADEER Ah (Qaybtii 7aad)

Sheekadani waxay muujinaysaa bulshad hadii Miisaanka wax lagu qiyaasi lahaa ka lumo waxaa iskugu mid noqda Madowga iyo Cadaanka Samaha iyo Xumaha ….

Xiligii khalaafada Cusmaaniyiinta galabkeedu sii dhacaayay ee suldanada fadhigeedu ahaa Isanbuul waxa magaalada Baqdaad ukala danbeeyay labo Maayir oo laga soo magacaabay Istanbuul

Maayirka hore wuxuu xilka hayay 10 sano iyo dheeraad cashuur badan ayuu qaadi jiray  xafiisayada oo dhan laaluush ayaa lagaga dhaqmi jiray DAN GUUD wax layidhaa ma jirin , si walba wey u dayacnayd magaaladu BALSE Maayirka dadweynaha magaaladu RAALI BUUXDA ayay ka ahaayeen waayo wuxu ahaa maayir ka qaybgala Aroosyadooda iyo tacsiyaha iyo waliba casuumadaha ay samaystaan Sunne iyo Shiico iyo Ciidaha iyo Jimcayaasha kula tukada maajidka weyn ee ay rabaan iyagu  waxa dheeraa dharka carbeed uu xidhan jiray  isagoo asalkiisu yahay Turki. ….. sidaasay ku jeclaayeen

Maayirka danbe wuxuu ahaa nin u arkaayay in magaalada la hormariyo in ay ka mudantahay raaligalinta dadyawga degan Baqdaad  xilka wuxuu hayay 3 sano keliya

Wuxuu jeexay jidadka ugu waaweyn ee ilaa imika Baqdad intifaacsato,  Beeraha iyo Jirdiimooyinka lagu nasto ee danta guud , Jeexida wadada tareenka , Dhisida rugta bugaagta , Samayta madbacdii ugu horaysay iyo joornaalkii ugu horeeyay ee yeelato ciraaq , Samayn Baarkino fardaha iyo gaadhi dameerka oo berigaa gaadiid ahaa ,amaanka magaalada oo uu sugay, Iyo weliba dhalinyartii magaalada oo uu shaqo qaran oo ciidan ah u diray ……

Ugu danbayntii maayirkii 3 sano ku muujiyay waxqabadka balaadhan waxa ku dhacay KACDOON waxgaradka iyo shacabka reer Baqdaad ku diidan yihiin maadaama aanu ka qayb galin Dabaaldagyadooda iyo Casuumadaha odayaasha dhaqanka iyo ganacsatadu u fidiyaan MAAYIRKII HALKII AYAA LAGU BEDALAY!

Dadku waxay raaceen muuqaalka dusha ee u muuqday LAAKIIN labada masuul waxaa dhaqankii diinteena Islamku ina fartay u dhawaa ninka ilaahay kaga baqay magaalo Boqolaal sano aan waxba laga qaban 3 gudohuud dantii guud hagaajiyay

Muj: Maxamuud Cabdi Shide AHN dhaqan umuu lahayn raali-galinta JAMHUURKA siday isaga la tahay ayuu yeeli jiray “meelaha guusha horseeda”

Maayir : Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Waxaa ku badan ka qayb galka DABAALDAGYADA iyo soo dhawaynta Wufuuda timaada “Ma Xuma” Waxaa aad iyo aad uga muhiimsan in magaaladan wax laga qabto HARGEYSI maanta waxay noqotay “ISKURARAN” aan cidi dan ka lahayn !!!

Wixii Faahfaahina La Soco …

Alle Ayay Mahad Isugnaatay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker