BAARLAMAANKA SOMALILAND MIYUU WAALANYEY MISE CADANBAA LAGA HEESAYAA.

Ka dib markii ayaamahan la xidhay NIN XILDHIMAAN AH OO MEEL KA DHAC IYO DISTOOR JEBIN KU SOMEEYEY DALKA SIDAY HOREBA DISTOOR JEBINTU CAADADA XUKUUMADII UU SIILAANYO KA XANUUNSADAY U DHICI JIRTAY WELINA UGA DHACDA XUKUUMADDA HADDA JOOGTA. DHACDA. Waxaan nabad iyo Caano ahaynba waa la Kala qaadaaye sheekadu waxay geleysaa HOGGA AMA BUXAYRADA LA YIDHAA ‘ WAXAAN U SOO JOOGAY).

– Waxaan u Soo joognay Mooshin kasoo hangagaaray Xagga Madaxtooyadii Siilaanyo oo Duullaan kusoo qaaday Gudoomiyhii Baarlamaanka si Gudoomiynimada looga boobo oo loo meel mariyo wareejintii Haamihii petrol ka oo Distoorka si jebinaysay wax loo kala iibsaday.
–  soo qabo sidii qarsoonayd ee madmadawga badnayd weli aan heshiis dhaba ummadda lasoo hordhigin ee Dekedda Berbera iyo Saldhigga Military ee Berbera – iyana Distoorka wey Baalmarsantay.
– Gudoomiye Baarlamaanka sidii tirada Xooghayaha Baarlamaanka isu dhaafiyey iyadoo xildhibaankastaa ummadda tusay inaanuu baasha foodka helin oo maanta XAARAAN ku fadhiyo kursiga, iyana waa Distoor jebin. Habkii doorashada loo boobay ee muuqatay Distoor jebin baa ku jirtay. Sidii Murashaxii Jamaal loo boobay ee ucid ku burburay imika waa Xisbiga Maqaarkiisii waxa Faysal isku toltolayaaye.
– Sidii Gudoomiyaha Kulmiye iyo Murashaxa Kulmiye Muse Biixi lagaga dhigay cudduda ciidan ee wasiiraddii Xukuumaddu ka dareereen Siilaanyo iyana Distoor jebin Bay ahayd.
– Mooshinnadii Xildhibaanada Kulmiye lacagta loogu qaybin jiray Distoor jebin Bay ahayd. Lama soo koob karo inta jeer ee KULMIYE iyo Xukuumadiisii Distoorka shacabka hortooda ku burburiyeen. Xildhibaanka Dhakool ee Distoor jebinta lagu haystaa waa caruurtii Kulmiye ku barbaariyey Distoor jebinta. Haddaad Caruurtaada cay ku koriso qofka u horeeya ay caayaan waa adiga. Markaa waxaasoo Distoor jebina ciddii gashay iyo Dhakool ba Maxkamadda ha la keeno haddii kale waynu is wareerinaynaa Dawladnimada tolow xaggaynu ka soo baranaa xaalku waa WAAR YAA MUSLIM AH OO FARA DHUUDHUUBAN. REER SOMALIA DADKAY QARXIYAAN REER SOMALILAND DISTOORKAY QARXIYAAN, REER JABUUTINA TIJAARTAY QARXIYAAN, KILILKA SHANNAADNA DURBAAN KAY QARXIYAAN, REER PUNTLANDNA BEENTAY QARXIYAAN,
MBASHE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker