Dawladda Turkiga oo Yuhuuda kaga Awood Roonaatay Xidhiidhka Sucuudiga

 

Riyaad (OWN)   Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalka Israa’iil, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si qarsoodi ah ku Tegay dalka Sacuudi Carabiya xilli aysan labada dhinac midkood shaacin safarkaas.

Benjamin Netanyahu ayaa kulan qarsoodi ah la qaatay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kaddib markii uu Axaddii booqasho ku tegay dalkaas.

 

 

Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo waxyaabaha lagaga hadlay kulankaas, balse warbaahinada qaar ayaa sheegaya in ujeedka kulanku uu ahaa sidii Sacuudiga looga dhaadhacsiin lahaa inay xidhiish la yeelato maamulka Yahuuda.

 

 

Kulanka  waxaa la sheegay inuu sidoo kale goob joog ka ahaa xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

 

 

Topaz Luk oo ah  taliyaha Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal u muuqday in lagu xaqiijinayo kulanka qarsoodiga ah ee dhex maray Maxamed Bin Salman iyo Netanyahu.

 

 

Maamulka Trump ayaa isku dayayay in Sucuudiga uu ka dhaadhiciyo inuu heshiis la galo Israa’iil kaddib markii qaar kamid ah dalalka carabta ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil kaas oo dib loogu soo celinayo xidhiidhkii ka dhexeeyay.

 

 

Dowladda Sacuudiga ayaa laga yaabaa inay kusoo biirto wadamada aqoonsaday Israa’iil maadaama culeys badan ay kala kulmeyso Mareykanka iyo Israa’iil.

Balse Waxaa Iyana Saamaynteeda leh Boqor Salmaan oo Xidhiidh Cusubi u Bilaabmay Dawladda Awooda badan ee Turkiga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker