DAMALKA NABAD EE LAGU DEGO, LAGU NASTO LA HADH-SADUU AHAA , XAAJJI CABDIKARIIM XUSEEN YUSUF ( CABDI-WARAABE) SHALAY BUU INAGGA GALBADAY OO ALLE INNAGA OFFSADAY ASAGGA AWOOD LEH E!

INAA LILAAHI WAA INA ILAHEYHI RAAJICUUN .

ALLE HA U NAXARIISTO XAAJI ABDIKARIM  WARAABE JANATU-FARDOWSANA HA GEEYO HA KU NAGEEYO.

Nin Oday Xeer-beegti  Nabdeed  Dhaqan Diint Dun iyo Milgo ,imman  iyo Hal-adeyg Gar-yaqaan Balan-oofin ixtraam Rabi u dhashay oo ku gadaamay ayuu ahaa Xaajji Cabdi Waraabe.

WAXA BAXAY OO GALBADAY   KII UGU QAALI SANAA RUGUKUNADA NABAD IYO ISKU HAYNTA UMMADA SOOMAALI MARKA  LA YIDHAAHDO  EE QARNIGII LABAAD IYO KAN 21 AAD SOO GAADHAY.

WAA KA TACSIYADEYNAYAA QARANKA GUUD AHAANTII  GAAR AHAAN QOYSKII ,EHELAD IYO QARABAADII XAJJI CABDIKARIIM XUSEEN YUSUF (CABDI-WARAABE ) SIDDO KALE ASXAABTIISI SXABDII IYO INTII UU JECLA IYO INTII JECELEYD BA.

WAXA UU AHA  DHIDIBADII  QARANKU KU TAAGNA MID KA MID AH OO MAANTA RABI INNAGA OOFSADAY .

RABI WANAAGII IYO ISU JIIDKII UMMADA EE UU GASHADAY ABAALKISII ALLE HA GUDOONSIIYO.

Waxa aynu aad u tabayna Kaalintii Muuqa  iyo Gole-ka hadalka ee uu rag-isdiidan isugu ,Seeto-xidhi jiray  balse ( Alle ha,) innagga dhigo kuwo ku hanuuna Tallyinka iyo Tusalloyinka ma guraanka e ee dhaxal-galka ee innooga tagay kuwo qaata oo  wax ku qabsada. Marnaba helimeyno Ragnimadisi iyo Daacad u howl galkiisii aan daaalka iyo kala go,aa lahayn.

Xaajji Cabdi Waraabe waxa Nin ka fog danta shikhsiga iyo ta Reer iyo dhowr qof balse waxa alle ka dhigay mid u taagan Danta guud ee Ummadda iyo wada-jirkeeda.

Xigmadaha aan ka qoray waxa ka mid ahaa mid ku jirtay  hadal uu ka jeediyey  1993 Berbera Colaadii ka dhacday oo uu ahaa Hormuudkii iyo Haldoorkii Arinta soo af-jarideeda u taffo-xaytay Xigmadaasi waxay ahayd  ” wuxu yidhi mar bay ka wanagsan 10 Nin oo wada Ragnimo ah oo Xiniino lehi,  Afar Doqon oo dantooda isku ogol isu na dabo-fadhiista . ” Waxa aan fahmi karra rag-golaha amma goobta joogay oo uu marka magacaba yey  inay ahaayeen ragga hore u qaadan waayey  Nabad iyo Turxaan bixinta.

Waxa uu so dadban iyo so toos ah iyo il-dheergaradnimo ku jirtoba ragga  u dareensiinayey halka ay ragganimo ka dayeyaan inaaney ku jirin Maalinta taas oo kale ay goobta ku sugnaayeen Xalada-waayaheeda  duruufteeda wada taan ay ku sugaanyeen .

Waxa kasta iyo howl kasta ba uu inoo soo qabatay iyo Heykal ,Hanaan iyo inoo soo guntay inoona soo xidhayba Maanta  Alle Wakhtigii uu oofday ka dhig  Xajji Cabdikariim Waraabe.

Marka waxa inaguu waajib ah duco aynu rabi uga duraansano  inuu ka mid noqdo kuwa uu gacant midig uga dhiibo Kitaaabkooda JANATU-FARDOWSANA ku Macsuumo.

Intii uu Dunida joogay ee Garaad iyo Gaashan qaadayba ka soo bax waxay Diinta  alle ku waajibka aha  intii karaankiis iyo kartidiisa ah alle na ku astur wax kasto uu ka guurtiyey kanna odayey .

 Alle ha u Naxariisto  Xajji Cabd Xuuseen Yusuf ( Xajji Cabdi-Waraabe)

 

    ABOKOR  I MOHAMUD

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker