Waa yaab !!! Maskaxda tash laydh ayaa haysta.

Waa bil barakaysan oo cidna la cambaarayn maayo. Hase yeeshee waxa muhiim ah inaan laga tagin oo had iyo goor laga hortago aafooyinka ummada wax yeelaya ee kasoo burqanaya maskaxda aadamaha ee sida qaloocan u rakibantay. Inaga oo aan cidna magacaabin ayeynu si yar oo guud u milicsan aafada shacabka lagu wado.

Waxan maalmahanba shabakadaha kala socday aqoonyahankii iyo dadkii la odhan lahaa waa wax garad, ama haldoor xilal muhiimah haya, oo ku milmay aafada ugu wayn ee ummadihii inaga horeeyey halaagtay, inagana ina curyaamisay oo sababtay bur bur maal iyo naf leh. Waa aafada qabiilka. Waxaan in badan uga dignay oo hadana aan uga digaynaa dadka ummada hormuudka u ahi, ama haldoorka ummadu waa inay meel fog wax ka eegaan oo ay iska ilaaliyaan hadalada turxaanta leh ee dareenka ummada kicinaya ee sii xoojiynaya maskaxdii sida qaloocan u rakibantay inuu qaloocu kusii adkaado.
Waxaan hore u sheegnay ummadani inay runtii u baahantahay daawo, psychotherapy ah. Taas ciddii keeni lahaydna waa aqoonyahanka. Kaas u baahan inuu aqoonyahanku isagu marka hore ka xoroobo qabiilka iyo qabyaaladda si uu fikirkiisa xorta ah u cabiro oo uu ummada ugu jiheeyo.
Waxa muhiim ah in la ogaado inaan qabiil waxba deeqayn hase ahaatee ay cadaaladu cidwalba deeqdo.
Waxan soo jeedin lahaa qodobadan:
1. Aqoonyahanku waa inuu ixtiraamaa aqoonta uu xambaarsanyahay, oo ummada aanu isku xoqin sidii kabriidka isaga oo dana gaara ilaashanaya, mid shaqsi iyo mid beelaysanba. Waa inuu fikirkiisa ku jiheeyaa sidii mujtamaca dhamaantii mashaakilaadka looga saari lahaa.
2. Siyaasiguna waa inuu fikirkiisa fogeeyo oo arkaa inuu yahay indhihii ummada oo uu ka fogaadaa aaraada qabiilka dabada ku haysa ee aan ummada meelna u wadin. Weedhiisuna waa inay ahaataa mid uu shaandheeyey.
3. Waa in cadaalada laga wada shaqeeyo, si aynu muwaadinimada ugu hiilino oo aynu qabiilka uga gudubno.
4. Dawladuna waa inay waaxda garsoorka xoojisaa oo dad lagu kalsoonyahay cadaaladooda maamulka loo dhiibaa. Arinkaas cadaaladuna kama fursanayo in culimada wadanka wax looga dhiibo si loo sugo amaanada cadaalada. Arinkaa haddii la saxo wax badanbaa saxmaya. Hagardaamada qabiilkana waa laga badbaadi.
5. La daagaalanka musuqmaasuqu waa inaanu ku koobnaan hanti, balse cadaalad lunsigana lagu daro waayo cadaalad la’aan waxba socon maayaan.
Qore: Mowlid Ali Hure
alimowli@yahoo.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker