Tacsi/ Baroordiiq Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun, kuli nafsin
Daa,iqatal mowd. Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh
Uga soo gudbinayaa dhamaan uma Afsomaliga ku
Hadasha, gaar ahaana umada reer Somaliland iyo
Eheladii iyo qaraabi, Geeridu waa xaq Xaaji Cabdikariin
Xuseen Yuusuf oo tii alle u timid maanta ah 5tii bisha
Barakeysan ee rabadaan oo ku began 10.05.2019.
Tixdani waa baroordiiq Geeriyada X. Cabdikarim.
Tacsi/baroordiiq
Dire: Omar Ali Abd Stavanger, Norway
ย
Doon baynu wada saaranahay ruuxba goordiye
Damal baa ka baxay geliyaday debec ku noolayde
Dirka magaca soomaaliyeed daaqad baa maqane
Xigmag duuga ah baa naga luntiyo deris walaaleyne
Diirdiiranaan iyo goโaan ereyo dug weyn leh
Alleylee wuxuu daah u goโay daacadnimo guude
Dermo nabad u taal buu ahaa maalintii darane
Ee ma Cabdaa daliilkii u yimid daaโiqatal mowd?
Mar hadaanay daartani ahayn degel la joogaayo
Oo uu Rasuul (SCW) dooranaa daayin uga yeedhay
Ama aan baroor laysku daro la isku deyneynin
Oo malag diyaar ahi wakhtiga qalin ku duugaayo
Waa inaan daryeelaha ilaah duco suโaalaaye
Naxariis ku deeq oo alloow aan qabrigu diiqin
Degdegna uu jawaab sugan u helo dalab malaaโiigta.
โฆ.Ameen jaa rabi ilaahow suโaasha u fududeeโฆ