Cisbitaalkii Oodweyne oo Gabi ahaanba xidhmay kadib markii shaqaalihii shaqo joojin Ku dhawaaqeen.

  • Waxaa gabi ahaanba loo laabay All-baabada Dhakhatarkii weynaa ee Degamada oodweine kadib markii ay shaqo joojin ku dhawaaqeen Dhakhaatii iyo isuduwaha wasaaradaa horumarinta caafimaadka Gobolka Daad madheedh iydoo ay ku sugan yihiin Dad badan in pention ah iyo waliba dad bukaan socod ah
    Hadaba waxaa barayahan danbe soo kor dhaa yay xalaad cakiran oo soo wajahday Dhakhatarka weyn ee degamda oodweine
    Horaantii bishan April.waxaa jiray musuq maasuq ka dhacy mushahharkii shaqaalaha iyo waliba xanaanooyinka.qaar Taas oo hor seed u noqoty xaalada cakiran ee Taala dhakhatarka weyn.
    Hadaba 9 bishan.may oo ku beega 3 bisha rabadan waxay gabi ahaanba All baabda u labeeen dhakhatarka.weyn iyadoo ay ku dhawaaqeen shaqo.joojin rasmiya Taas oo keentay inay Gabi ahaanba is taaktay shaqadii bukaanka loo ha yay
    Murankan oo salka ku haya khilaafaad ka dhaxeeya shaqaalaha Hospitalka qaybta Tb iyo dhakhaatiirta ka hawl gasha Hospitalka Halka masuulkii ugu saree yay wasaarada Horumarinta caafimaadka Gobolka Daad madheedh uu la saftay qayb ka.mida shaqaalihii khilaafadku ka dhaxee yay isagoo Tahli kari waa yay inuu dhameeyo khilaafaadka u dhaxeeya shaqaalaha ka tirsan wasaradiisa hadaba waxaan ku
    Hab saday maamulka caafimaadka Gobolka.maamul xumo. Baahsan musuq maasuq iyo qof jeclaysi Taas oo dhaawacaysa nidaamka Dawladnimada iyo hanaanka horumarinta caafinadka
    Iyadoo baryahan danbe Dadaal xoogan ugu jirtay wasaarada caafimaadku sidii ay kor ugu qaadi lahayd adeega caafimaadka hadaba waxaa dhaawacaaya oo wiiqaya isuduwaha wasarada horumarinta caafimaadka Gobolka oo u muuqada mid ku fashilmay shaqadii uu u hayay qaranka
    Marka hoos loo eego khilafka uu xalin kari waa yay isuduwuhu waa khilaaf aad u yar
    Kaas oo salka ku haya fure yaal.iyo xafiisyada dadka buka loogu shaqeeyo taas oo sabab unoqotay inay istaagaan adeegii bukaanka loo hayay oo ay shaqadii joojiyeen Dhakhaatiirtii ka hawl gali jiray dhakhtarka wey hadaba hadii aanay wasaaradu talaabo ka qaadin arintan waxay keeni doontaa dhaawac wey oo sumacad xumo ku ah Dadaalka wasarada caafimadku ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa adeega caafimadka Gobolka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker