Illaah baa Deeq baxshee Dulmiga kadaa dalka

Murankii iyo ismaandhaafkii sharci, ee mudada soo jiitamaayey, ee u dhaxeeyey Xisbiyada Qaranka Somaliland iyo Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee uu Gadh-wadeenka kayahay Mudane Muuse Biixi Cabdi,

inkastoo weli xiisadii aloosantahay oo aanay saldhigin, hadana Guulle mahadi haka gaadhee waxa aad moodaa, in intii dalalka daneeya geedi socodka nabada iyo Dumuqraadiyada Somaliland, ee Illaahaybaa Deeqda bixiyee Deeq bixiyaasha loogu yeedho, Dalka yimaadeen in ay soo dabacday xukuumaddii dhagaha furaysatay ee jujuubka, ku jiqsiida, maquuni iyo ila meerayso wax ku maaraynaysay, inay ogolaatay in sharciga Dalka u yaala lagu kala baxo oo lagu xaliyo wixii khilaaf jira,  waana wax ilaahay loogu shukriyo sharciga aynu raacno xukuumadda loogu taag waayey hadduu eebe garansiiyey oo ay ogolaatay go’aamadii gudidii is xilqaaday.

Sikastaba ha ahaatee iyada oo lawada  ogsoonahay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay ka aradantahay Caddaalada, oo ay cabasho ba’anina ka jirtay Garsoorka dalka siddee loo aamini karaa go’aankeeda,

Hadal iyo dhamaan gees Lo’aad kuleelkaa lagu gooyaaye, inta ay joogaan Dalka gudiyadan ajahanabiga ah, ee xukuumaddii shacabkaaga iyo axsaabta qaranka maqal looga taag waayey ay  u soo dabacday in si sharciga waafaqsan loo xaliyo ismaanshaafka qaran ee Dalka ka jira, se haddii gunada yar ee ay ku yaboohaan awgeed xukuumaddu ugu soo dabacday, oo siddii doqonkii beriba waan lumi xaal ku danbayn, xukuumaday Illaah baa Deeq baxshee Dulmiga kadaa dalka.

 

Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker