Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo Shir ay ku Falan qaynayso Wada-Hadalado Ay La Yeelato Somaliland ku Qabatay Muqdisho

Shir ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana lagaga Arrinsanayo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta ka furmay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

Shirka oo ah mid hor dhac ah ayaa Waxaa ka qeyb galaya, Shaqsiyaad sheegtay inay matalayaan Somaliland iyo xubnaha gudiga wadahadalka ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Muddada uu shirkan socnayay  ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sii wadida geedi socodka wadahadallada labada dhinac iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan.

 

Dhinaca kale xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka soo jeeda Somaliland, islamarkaana ka tirsan golaha shacabka Somalia ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka inay ka gaabisay wadahallada laba geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) aysan sameyn dadaalladii looga baahnaa ee geedi socodlka wadahadalladaasi.

Sidoo kale wuxuu xildhibaan Xuseen Carab Ciise xusay in deeqaha beesha caalamka laga helo la siyaasadeeyey qoondada Somaliland, taasina ay tahay caqabad kale.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay daacadnimo ku socoto, si looga mira dhaliyo dadaallada haatan socda.

Shirka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti sanadihii ugu dambeeyey uu hakad ku yimid wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana dadka ordosa siyaasadda ay rajo xumo ka muujinayaan shirkaan, maadaama lagu qabanayo magaalada Muqdisho, taasina aysan u cuntami karin Somaliland oo muddo fog raadineysa Ictiraaf gooni ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker