Suldaan Baade Iyo Caaqil Cilmi Oo Lagu Xidhay Magaalada Boorama

Boorama(OWN)- Ciidamada booliiska gobolka Awdal ayaa xabsiga u taxaabay Suldaan Xasan Xadi Baade iyo Caaqil Cilmi, kadib markii xal laga waayay muran dhul oo sababay khasaaraha afar qof oo dhaawac ah.

 

Madax-dhaqmeedkan la xidhay ayaa ka soo kala jeeda labada beelood ee ku muransan xadaynta dhul beereed, waxaana la soo sheegayaa in lagu eedeeyey, in ay lid ku noqdeen waan waan ay labada beelood ka dhexwadeen Wasiirada Ganacsiga iyo Beeraha oo maalintii shanaad u jooga Boorama xal u helida murankaasi ka dhashay dhul beereedka.

 

Majirto hadal kasoo baxay maamulka gobolka Awdal iyo laamaha amniga oo ku saabsan xadhiga Odayaashan la xidhay barqadnimadii maanta.

Suldaan Xasan Xadi Baade

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker