Somaliland Go’aankeedu Waa Aqoonsi Caalamiya Ama Midnimo Shanta Soomaalida !!!!!

Somaliland Waa Wadan Hore U Jiray Wakhtigii Ingiriisku Aanu Soo Gaadhin Dhulwaynaha Somaliland 1890 , Dawladdii Islaamiga Ahayd Ee Cusmaaniyiinta Waxay Ka Talinayeen Dhulwaynaha Somaliland Qarnigii 15 aad ILaa Qarnigii 19 aad Dhamaadkiisii Oo Ku Beegnayd 1548, Dawladdii Cusmaaniyiinta Markay Arkeen Dadyoowga Degan Somaliland Inay Yihiin Muslimiin 100% Oo Ah Ehlu Sunne Balse U Baahan Yihiin Culimaaudiin Barta Diinta Islaamka Waxaa Loo Diyaariyay Culimaaudiin Masaariya Oo Bara Luqadda Carabiga , Quraanka, Tafsiirka Iyo Xadiista, Dawladdii Cusmaaniyiinta Waxay Ka Talinayeen Somaliland 300 Sano, Awoodii Dawladdii Islaamiga Ee Cusmaaniyiinta Markay Daciiftay Waxay Ka Guureen Dhulwaynihii Somaliland 1842.
Wadamaddii Aan Muslimka Ahayn Waxay Isugu Yimaadeen Shirwayne 1884, Shirkaas Oo Qorshihiisu Ahaa Inay Wadamadda Reer Yurub Duulaan Ku Soo Qaadaan Wadamadda Muslimka Iyo Wadamadda Aan Muslimka Ahayn Ee Ku Yaala Afrika, Iyo Aasiya, Yagoo Hadafkoodu Yahay Dhul Boob Aad U Balaadhan Si Ay Uga Faaidaystaan Macdanta Iyo Kaluunka Ka Buuxa Xeebaha .
Wadanka Ingiriisku Wuxuu Somaliland Soo Gaadhay 1890 Wuxuuna Xukumayay 70 Sano, Dhulwaynaha Somaliland Oo Ah Ceelaayo ILaa Hawd Reserve Area Waa Dhulka Loo Yaqaan Kililka Shanaad Ama Somalida Itoobiya.
Wadanka Itoobiya Wuxuu Dhulwayn Iyo Dadba Ka Haystaa Somaliland British Iyo Somaliland Italian, Waana Dhul Aan Lagaga Hadhi Doonin
Wadanka Itoobiya Goor Ay Noqotaba Dhulwaymahaas Lagu Soo Ceshan Karo Kacdoon Laga Dhex Sameeyo Soomaalida Itoobiya Si Ay Uga Tashadaan Mustaqbalkooda Dhulwaynihii Hoos Imanayay Somaliland British Inay La Midoobayaan Somaliland, Iyo Inay Ka Mid Ahaanayaan Dhulwaynaha Itoobiya.
Somaliland Wakhtigii Uu Xukumayay Ingiriisku Waxay Raadinayeen Wakhtiga Ay Xoriyadda Qaataan Sidii Loo Heli Lahaa Shanta Wadan Ee Soomaalida Loo Qaybiyay, Somaliland Wakhtigii Ay Xoriyadda Qaadatay 26 June 1960 Ee Ay Aqoonsadeen 37 Dawladood Yagoo Afar Maalmood Dawlad Madax Banaan Ahayd Yagoo Raadinaya Shan Soomaali Waxay La Midoobeen 1 Julay 1960 Somaliland Italian Oo Xoriyadda Ka Qaatay Wadanka Talyaaniga, Wadanka Somaliland Italian Xoriyad La Siiyay Mooyaanee Wadan Aqoonsaday Ma Jiro Sababtoo Ah Maalintii La Aqoonsan Lahaa Waxay La Midoobeen Somaliland British Oo Ah Wadan La Aqoonsan Yahay., Weliba Midoowga Labadda Wadan Lama Hayo Sharci La Kala Qortay Oo Yaala Qaramadda Midoobay.
Somaliland Waxay Haysataa Dood Sharci Ah Oo Wadamadda Caalamku Aanay Dafiri Karin
Inay Aqoonsadaan Somaliland Oo Hore U Ahayd Wadan Xoriyadda Ka Qaatay Wadanka Ingiriiska, Oo Aqoonsadeen 37 Wadan.
Somaliland Waa Wadankii Ugu Horeeyey Ee Soomaali Ah Ee Xoriyadda Ka Qaatay Wadanka Ingiriiska., Shacabwaynaha Somaliland Waxaa Ka Go’an Inay Qaataan Wadamadda Aduunku Labadda Go’aan Midka U Fudud :-
1. Wadamadda Afrika, Yurub, Aasiya, Laatiin Ameerika, Maraykanka Iyo Ustareeliya Inay Aqoonsadaan Somaliland.
2. Wadamadda Afrika, Yurub, Aasiya, Laatiin Ameerika, Maraykan Iyo Ustareeliya Inay Isu Keenaan Shanta Soomaalida Loo Qaybiyay Oo Kala Ah Somaliland British, Somaliland Italian, Soomaalida Waqooyi Bari Kenya (NFD), Soomaalida Hawd Reserve Area Ama Soomaalida Itoobiya Ama (DDSI), Soomaalida Jabuuti (Djibouti) Laga Dhigo Hal Wadan Oo Qaata Nidaamka Federaalka Maraykanka Insha Allaah.
Madaxda Federaalka Soomaaliya Iyo Shacabwaynahooda Waxaan Kula Talinayaa Haddii Aad Caqli Iyo Aqoon Leedihiin, Haddii Aad Leedihiin Damiir Muslim, Haddii Aad Leedihiin Damiir Bini Aadam Midnimo Qadhmuun Oo Dambe Oo Ay Wada Galaan Somaliland Iyo Soomaaliya Waxaa Ka Dhoow Oo Ka Wanaagsan In La Helo Midnimo Shan Soomaaliyeed Insha Allaah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Axmad-Sakatuuri Aadam Cadhood
Hargaysa Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker