Nin Ku Dilay Xaaskiisa Gobolka Galgaduud
Wararkaย Degmada Balanbale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya nin ka mid ahaa dadka deegaanka inuu dilay xaaskiisa oo umul aheyd.
Gudoomiyaha Degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamed ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dilkaan argagaxa leh inuu gaystay ninkaan oo aan lagu ogeyn inuu xanuunsanaayay.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in la soo qabtay ninkii gaystay falka, islamarkaana Saldhiga Booliska lagu wareysanaayo, waxaana uu tilmaamay inay la yaaban yihiin falka dhacay.
โNinkan xaaskiisa waa u dilay Umul ayeey aheyd, illaa hadda ma naqaan sababta rasmiga uu u dilay, waxaana soo qabtay ciidamada amniga oo baadhitaan ku haayo.โ Ayuu yidhi Gudoomiyaha Balanbale.
Waxa uu intaasi ku daray Gudoomiyaha โAfar Carruur ah oo ay u dhashay ayeey u haysay, Booliska Isbitaal ayey geynayaan ninkaan si loo soo baadho caafimaadka, marka waa arrin musiibo ah.โ
Ehelada Marxuumadda la dilay ayaa sheegaya illaa hadda inaanayย aqoon sababta ku kaliftay ninkan inuu dilo xaaskiisa oo u dhashay Afar carruur ah.