Mulkiilaha WIKi LEAKS Julian Assange Oo Xaaladiisa Caafimaad laga Dayriyay

Julian Assange  oo ah Mulkiilaha Website-ka Siraha soo Faaga ee WIKLEAKS ayaa si Qarsoodi ah waxa uu u dhalay laba carruur ah intii uu ku Noolaa gudaha Safaaradda Ecuador ee magaalada London,

 

Xaaskiisa ayaa sidaasi shaacisay.Stella Morris ayaa sheegtay inay Xidhiidh lahaayeen ninka iska leh barta Wikileaks tan iyo 2015, labadeeda Wiilna ay Iyadu Korsanaysay .

 

Waxa ay hadlaysay xilli laga cabsi qabo in cudurka Covid-19 uu ku faafo Xabsiga Belmarsh.

Halkaas ayaa lagu hayay tan iyo markii Sanad ka hor xoogga Lagaga  soo saaray Safaaradda Ecuador.

48-jirkan u dhashay Waddanka Australia ayaa haatan  doonayaa in lagu sii daayo damaanad xilli walaac laga muujiyay xaaladdiisa caafimaad.

 

 

Ms Morris, oo ah qareennad ka soo jeedda koofurta Afrika, ayaa u sheegtay Wargeyska The Mail, in Xidhiidhkooda ay markii ugu horraysay u shaacinayso maadaama “ay noloshiisa halis ku jirto” oo aysan rumaysnayn inuu “ka badbaadi doono xanuunka coronavirus”.

 

 

Muuqaal la soo dhigay Channelka Wikileaks ay ku leedahay Youtube-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in ay Assange la kulantay 2011 markii ay ku biirtay kooxdiisa qareennada.

 

 

Waxa uu 2012 qaxooti ku noqday safaaradda si uu uga baaqsado in loo musaafuriyo waddanka Sweden oo looga haystay kiis tacaddiyo galmo ah kaas oo haatan meesha laga saaray.

Sidoo kale waxa uu haatan iska difaacayaa in loo dhoofiyo waddanka Mareykanka oo looga haysto eeda ah jaasuusnimo.

 

 

 

Ms Morris ayaa sheegtay inay Assange ku booqan jirtay safaaradda qiyaastii maalinkasta oo “ay si wanaagsanna isu barteen Julian”. Lamaanahan ayaa isjeclaaday 2015 waxa ayn is xodxoteen labada sanadood kaddib.

 

 

 

Waxa ay u sheegtay wargeyska The Mail in Assange uu muuqaal ahaan ku daawanayay markii ay labadiisa canug dhalanayeen, aabahoodna waxa ay ku booqdeen safaaradda.

 

 

Gabriel oo saddex sano jir ah iyo Max oo hal sano jir ah ayey tiri waxa ay aabahood kula hadlaan video.

“Inaan qoys yagleelno ayaa ahaa go’aan adag oo aynu ku doonaynay inaan ku burburinno darbiyada ku hareeraysan iyo nolosha xabsiga,” ayey ku tiri muuqaalka Youtubeka Wikileaks la soo galiyay.

 

 

“Iyadoo dad badan ay qaabdarro la tahay in nolosha noocaas ah reer lagu yagleelo, ayaa haddana innaga waxa ay nala aheyd waxa ugu habboon ee la sameeyo, si xaalad dhab ah aannu ugu noolaanno.

“Niyad wanaag ayey ii tahay, Julian-na markii uu carruurtiisa arko waxa uu dareemayaa ammaan, hammi iyo taageero. Waa carruur aad u faraxsan.”

 

 

 

Assange ayaa waxaa 11 Abriil 2019 laga soo xiray safaaradda Ecuador, waxaana loo xiray “inuu ku guuldarraystay inuu maxkamadda yimaado”.

Waxaa lagu xukumay 50 todobaad oo xarig ah oo uu ku mutaystay inuu jabiyay shuruudihii ku xirnaa damaanaddii lagu sii daayay.

Assange ayey aheyd in Sibteembartii la soo dhaafay laga sii daayo xabsiga HMP Belmarsh kaddib markii uu dhammaystay waqtigii ay aheyd inuu xabsiga ku jiro.

Hasayeeshee qareen ayaa waxa uu xukumay inuu xabsiga ku sii jiro ilaa laga dhagaysanayo dacwaddiisa musaafurinta sababtoo ah ninkaasi waxa uu leeyahay buu yiri “taariikh dhuumasho”.

 

 

 

Faafaahin dheeraad ah oo ku saabsan carruurta Stella Morris ayaa waxaa arkay wargeyska The Mail kuwaas oo ku jira dikumintiyada maxkamadda qeybna ka ah kiiska musaafurinta ee Mareykanka.

 

 

 

Assange ayaa waxaa la rumaysan yahay inuu dhalay carruur kale, walow aanan wax badan laga garanayn. Waxa uu dhalay wiil wayn oo lagu magacaabo Daniel Assange, kaas oo la sheegay inuu gudaha Australia ku farsameeyo baraamijta kumbuyuutarrada.

 

 

 

In ka badan kun maxbuus oo ku jira xabsiyada UK ayaa waxaa lagu soo warramayaa in laga helay calaamadaha coronavirus, xogta rasmiga ah ayaa sidaas muujinaysa.

 

 

Hal maxbuus oo ku jiray xabsiga HMP Belmarsh ayaa waxa uu ka mid yahay dhowr maxbuus oo cudurka u dhintay, sida ay qeexayso xog gudaha ah oo ay xaqiijisay Wasaaradda Cadaaladda.

 

 

 

Ilaa 4,000 oo maxbuus oo halistooda ay yartahay oo ku jira jeelasha England iyo Wales ayaa lagu wadaa in la sii daayo, taas oo ka mid ah dedaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka coronavirus, dowladda ayaa sheegtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker