10ka Waddan ee Caalamka ugu Shaqada Badan, Noloshooodu ugu Wanaagsantahay!

Waddamadan aynu tixi doonnaa waa kuwa ugu nolosha wanaagsan, shaqa badanna taallo waddamada caalamka. Waxa qiimeeyay oo muuqaal ahaab baahisay Channel Caalamiya oo la yidhaa AROUND THE WORLD, 2019.

 

Haddaba 10ka Waddan aynu taxno:

1- Swizerland: Iswiisarlaan waa dal  yar oo ku yaalla Yurub. Waxaa ku yaalla buuro, dooxooyin IWM. Wuxuu ka midyhaya waddamada caalamka ugu hantida badan. Shaqooyin badan ayaa dalka ka bannaan, dadkeeduna xirfadlayaal weeyi. Dalku waxsoosaae wanaagsan ayuu leeyahay. Dad badan oo dhaqanno kaladuwan leh ayaa ku nool dalka. Wuxuunna ka midyahay waddama caalamka ugu dalxiiska badan.

2- Jabbaan: Jabbaan waxa ay ka midtahay waddamada dhinaca farsamada ugu horreeya ee dadkeedu wax samaynta iyo waxsoosaarka badanyihiin. Waa dal buuralay ah. Dadkeedu magaalooyinka ayay ku badanyihiin.  Waa dad anshaxoodu sareeyo. Dalka kama dhacaan danbiyo waaweyn, Booliskoodu wax QORI ama rasaas ah ma qaataan.

3- Kanada: Waa dal hodan ah oo ku yaalla Waqooyiga Ameerika. Waana dalka 2aad ee adduunka ugu wayn marka Ruushka laga yimaad. Kanada waxa loo tixgeliyaa mid ka mid ah waddamada caalamka kuwa ugu nolosha wanaagsanleh. Danbiyada Gaangistarrada IWM ahi way ku yaryihiin oo waa waddan nabad badan. Waxa ay ka midtahay waddamada caalamka ugu quruxda badan. Waxbarasho wanaagsan ayay leedahay, sidoo kale, gargaar caafimaad  oo tayo leh ayay haysaa.

4- Jarmalka: jarmalku waa dal ka mid ah kuwa ugu caansan Midawga Yurub.  Waa waddan dhaqaale badan. Door muhiima ayuu Beesha caalamka ka ciyaaraa. Dadkiisu waa kuwo xirfado leh, Musuqmaasugu wuu ku yarhaya. Heerka hal’abuurkoodu wuu sarreeyaa. Waxaanna ku yaalla suuqyada ganacsiga kuwa ugu waaweyn. Wuxuu ka midyahay waddamada loo tahriibo ee ajaanib badan joogaan.

5- Ingiriiska: Waa waddan horumaray, dhaqaale badan ayuu leeyahay. Sidoo kale waa dal taariikh iyo dhaqan facweyn oo soojireen ah leh. Hal’abuurka waa dal hodan ku ah. Magaalada caasimadda u ah ee London waa mid ka mid ah meelaha dhaqaalaha adduunka u waaweyn ee xuddunta u ah. aad baa ,oogu dalxiis yimaad. Bangiyo waaweyn ayaa ku yaalla oo horumarka dhaqaalaha ka qayb qaata. Waana meelaha hoggaamiyaha caalamka marka la eegayo caafimaadka iyo cilmibaadhista. Waxaanna ku yaalla Jaamacadaha caalamka kuwa ugu sareeya uguna tayada wanaagsan, waxa ka mid ah jaamacadda Oxford,  Cambridge, iyo Impreial College London. Buuro qurxoon, iyo dhul dalxiiska ku wacan ayaa ku yaalla.

 

Muuqaal ahaan halkan ka daawo:

 

 

 

Cabdirisaaq Sandheere

 

La soco qaybta 2aad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker