Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Maxkamadda Saaxil Soo Taagtay Dad Ajaniib Ah Oo Lagu Eedeeyay in Ay Ugaadhsi Ku Kaceen.

Xubnahan Ajanibta Ah ee  lagu eedaynaayo Falkan Deegaanka Khatarta ku ah oo ah Ugaadhsi Duurjoogeed ayaa maanta Markii 1-aad Dacwadooda  lagu Dhagaystay  Maxkamadda Berbera ,sida ay noo Xaqiijiyeen Xubno lagu Kalsoonyahay.

 

Talaabada Xubnahan Maxkamada lagu soo taagay iyo Talaabooyinka kale ee ay Wasaaradda Deegaanka Somaliland Kula Dagaalamayso Kooxaha Tuugta ah ee Duur-joogta Wadanka Dabar-jaraaya ayaa waxaan aad iyo aad ugu Bogaadinayaa Wasiirka Wasaarada Deegaanka Somaliland Marwo Shugri X. ismaaciil Baandare , Shaqaalaha Wasaaradda Saaxil iyo Cidkastoo gacan ka gysatay,waana Talaabo dhanka fiican loo qaaday oo Bad-baado Qaran ah ..

Waxaanan leeyahay Xubanaha Dacwadan  lagu eedaynaayo ,Hadii ay ku Cadaato Yaan laga Saamixin ee Sharciga Caalamka u yaala Ha La Mariyo ,si ay Daawo ugu noqoto Ajaaniibta danbe.

 

 

Waayo ,Duur-joogta Dalku waxay ka mid-tahay Hantida Naflayda ah ee Wadankeena,waana waxyaabaha ugu qaalisan marka laga hadlaayo Khayraad Wadan.

 

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mahad Faarax.

Xubin u Ololeeya Bad-baadinta Duur-joogta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker