Wasiirkii Hore ee Horu-marinta Maaliyada Somaliland oo Cadho kula Dul kufay Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka .ka dib Markii Laga Guulaystay Shirkadii Macmalka ahayd ee uu Jeebka Ku watay ee Saab GEN TRading Co.
Wasiirkii Hore Horu-marinta Maaliyada Somaliland oo eedeeyay Gudoomiyha Gudida Qandaraasyada Qaran
ka dib Markii shirkadii Been abuurka ahayd ee uu watay Ay Ku Guuldaraysatay Tartankii Timirta.
Hargaysa(oodwaynenews) Maamilhii aynu Soo Dhaafnay Gudida Qandaraasyada Qaranka Waxaa Ay Shaaciyeen Sida loogu Kala Guulaystay Tartanka Timirta oo Dhowrkii Biloodba La Siiyo Ciidamada Qaranka Somaliland Kaasi oo Shacabka Loo Bandhigo Si Ay ugu Tartamaan
Waxaana ugu dambayntii ISugu soo hadhay Labada Shirkadood ee KAARSHE INTER COM. IYO Saab GEN. TR.
Waxaana ugu dambaytii si Xalaala ay Guushu U Raacday SHIRKADA KAARSHE COM.
Hadaba
Wasiirkii hore ee Horumarinta Maaliyada yuusuf maxamed cabdi .ayaa la sheegay inuu aad uga maroora dilaacay ka dib markii uu Loo sheegay inay Guuldaraysatay shirkaddii Gacan ku Rimiska ahayd ee uu mudada yar ee dhawrka bilood ah sameeyay.
isla markaana uu ugu Talo galay inay si Musuq maasuq ah ugu Guulaysto Qandaraasyada sida Xaqqa ah ay usoo Agaasimeen Gudoomiyaha Gudiida Cadaaladu biyo Dhigtay Md NUUX MAXAMED XUSEEN. ee Qaranku u igmaday inay u Xaq sooraan isla markaana baratan Xalaala u sameeyaa Shirkadaha Muwaadiinta ah ee Buuxiyay , shuruudaha .
Balse isagau marna meesha masoo dhigan inuu wax Cadaalada La kulmi doono waayo wuxuu ku talo galay .
Dhinaca kale Waxaa Shirkadahan si cadaalada ah u kala saaray Gudoomiyaha gudida Qandaraasyada Qaranku Nuux Maxamed Xuseen isla markaasna sheegay inuu dood diciifa ku doodayo Wasiirkii Hore ee Horu-marinta Maaliyada oo ka dhigan nin waliba siduu yahay ayuu ku moodaa . Taasoo aynu ula jeedno inuu yahay Masuul ku Caan baxay Arimaha Musuq-Maasuqa .
Hadaba waxaa Ilo Wareeyo Lagu kalsoon yahay ay Noo Xaqiijiyeen inuu Gudoomiyaha Shirkada Saab General Trading Company. uu u Balan qaaday inuu siin Doono Hadii uu 60,000 $
Isla Markaana uu imika arinkiisu kusoo Ururay in Fadheexadeedayo Shirkada Nadiifta ah ee Gaamurtay ee Reer Somaliland oo dhami ka war qabaan ee KAARSHE INTERNATIONAL COMPANAY
WALIBA HALKAN HOOSE KA DAAWO SIDII HUFNAYD EE LOOKALA SAARAY SHIRKADAHA TARTAMAYAY.

