Somaliland oo ka Jawaabtay Go’aano ka Soo BaxayJaamacada Carabta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland maanta oo Khamiis ah ayaa jawaab ka bixiyey bayaankii ka soo baxay shirkii ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacada carabta.

Warsaxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland waxa ay aad uga xun tahay qaraarka ka soo baxay kulankii aan caadiga ahayn ee ay isugu yimaaddeed wasiirrada arrimaha dibadda jaamacadda carabtu 17.1.2024, kaasoo ay ku caddeeyeen inay taageero u muujinayaan midnimada Soomaaliya, nabadgalyadeed. Iyo waliba in heshiiska is fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaameen mid waxba kama jiraan ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa bayaanka kasoo baxay ururka Jaamacadda carabta mid cadaawadi ka muuqato oo gef ku ah madax-bannaanideeda isla markaana fargo galin ku noqonaya arrimeheeda gudaha.

Warsaxaafadeedkan wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax bannaan isla markaana aan aqoonsanayn sheegashada Soomaaliya ay ku sheeganayso dhulkeeda, waxaanay xaq u leedahay oo qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ahi u dammaanad qaadeen inay heshiisyo la gali karto dalalka Saaxiibbada ah iyo kuwa Jaarka ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka digaysaa cawaaqib xumada ka imman karta fasiraadda qaldan ee maamulka Muqdisho ka bixinayo heshiiskii is-fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo ay ku majare habaabiyeen ra’yiga caalamka gaar ahaan ka dawladaha carabta.
Waxay Somaliland sheegtay in Tallaabadaas loo wajahay si aan masuuliyadi kujirin isla markaana hurin karta colaado ka dillaaca geeska Afrika.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u caddaynaysaa Ururka jaamacadda Carabta, dawladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacadda carabta iyo guud ahaan dalalka caalamka in madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland tahay go’aan aan ka noqosho lahayn isla markaana shacabka jamhuuriyadda Somaliland diyaar u yihiin inay sii wadaan halgankooda ku salaysan sidii ay u xaqiijin lahaayeen qaddiyadda madax bannaanida dalkooda qiimo kasta oo uu ku kacayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker