Xisbiga Kulmiye Uma Joojinayo Duuflayaal Caqligooda La Isticmaalo!!!!!!!!.

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.
Xisbiga  Kulmiye Oo Laba Doorasho Madaxtooyo Ay Ku Kala Wareegeen Madaxwayne Axmad Muxammad Maxamuud(Siilaanyo) Iyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, Waana Guushii Ugu Waynayd Tan Iyo Intii Lagu Tartamayey Tartanka Xisbiyada Badan Oo Hal Xisbi Doorashadda Madaxtooyadda La Kala Wareegaan, Guushaas Wayn Ee Taariikhiga Ah Waxaa Candhuuftooda Dib U Liqi Waayey Shaqsiyaad  Aad U Tiro Yar Oo Maalinba Shaqsiga Wasiir Maaliyadeed Ama Madaxwayne Noqda Is Yidhaahda Kabo Leef U Noqo Oo Xukuumaddii Hore Ee Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Waxaad Tidhaahdaa Wadanka Yagaa Boobay, Oo Dhulkii Danta Guud Yagaa iibiyey, Oo Xukuumaddii Hore Ee Axmed-Siilaanyo Waxay Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Ku Wareejisay 80.000,000 Usdollar Sideetan Milyan Oo Dollar!!!!!!!!!,
 Shaqsiyaadka Duuflayaasha Ah Ee Is Leh U Kala Fataala Xukuumaddii Axmad-Siilaanyo Iyo Xukuumadda Muuse Biixi Shaqsiyaadkaas Waxaan Leeyahay Boos Idiiinkama Banaana Haddii Aad Tihiin Xildhibaano, Haddii Aad Tihiin Masuuliyiin Xukuumaddii Axmad-Siilaanyo Ka Tirsanaa, Haddii Ay Yihiin Masuuliyiin Xukuumadda Muuse Biixi Ka Tirsan, Haddii Ay Yihiin Masuuliyiin Sadexda Xisbi Ka Tirsan, Haddii Ay Yihiin Kuwo Saxafiyiin Sheegta, Haddii Ay Yihiin Shaqsiyaadka Qabyaaladdu La Gashay Bulaacadaha, Iyo Shaqsiyaadka Caqligooda Ka Shaqaysiin Karin!!!!!!!.
Shaqsiyaadkaas Duuflayaasha U Badan Waxay Habeen Iyo Maalinba Ku Taamaan Sidii Ay Colaad U Dhex Dhigi Lahaayeen Masuuliyiinta Waawayn Ee Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye, Shaqsiyaadka Duuflayaasha U Badani Waxay Habeen Iyo Maalinba Ku Taamayaan Sidii Ay Colaad U Kala Dhex Dhigi Lahaayeen Xukuumaddii  Hore Ee
Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Iyo Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi, Shaqsiyaadka Duuflayaasha U Badani Waxay Habeen Iyo Maalinba Ku Taamayaan Sidii Ay Colaad Uga Dhex Hurin Lahaayeen Beelaha Walaalaha Ah Ee Gaashaanbuurta Xisbiga Kulmiye Ama Jeegaanta Qofba Siduu U Yaqaan Waa Beelaha Habar Jeclo Iyo Beelaha Habar Awal.
Tusaale Markaynu Soo Qaadano Xukuumaddii Udub Ee Uu Madaxwaynaha Ka Ahaa
Mudane Daahir Rayaale Kaahin Waxay Xukuumaddii Kulmiye Ku Wareejiyeen Dayn Fara Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Shaqaalaha Dawladda Iyo Ciidamadda Oo Aan Muddo Shan Bilood Ah Mushahar Qaadan, Haddana Miisaaniyad Sanadeedka Xukuumaddii Udub Wuxuu Ahaa 47,000,000 Usdollar, Todoba Iyo Afartan Milyan Oo Dollar!!!!!, Waxaa Iswaydiin Leh Haddii Aynu Raacno Caqliga Liita Ee Duuflayaashu Leeyihiin Xukuumaddii Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Waxay Dayn Wareejisay 80,000,000 Usdollar, Sideetan Milyan Oo Dollar!!!!, Sidee Bay Isu Qabanayaan Mushaharka Shaqaalaha Dawladda Iyo Ciidamadda Oo Bilkasta Biloowgeeda Ay Qaadanayaan Mushaharkooda Iyo Xukuumaddii Axmad-Siilaanyo Waxay Wareejisay Dayn Fara Badan!!!!!!!!!.
ahmed adem mohamoud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker