Duulaanka Ruushka ee Ukraine oo laba sano jirsaday

Laba sano ayaa laga joogaa, markii Ciidamada Ruushka ay maanta oo kale duulaanka ku qaadeen dalka Ukraine, iyadoo laga jawaabayo khatar uu Ruushka u arkay in ay kaga soo fool leedahay Ukraine, ka dib markii siyaasad ahaan ay xiriir dhow la yeelatay dalalka reer galbeedka.

Ciidamada Ruushka ayaa dagaalkan ku qabsaday boqolkiiba labaatan (20%) dhulka Ukraine, iyadoona Ruushku uu qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi.

Baarlamaanka Ruushka ayaana horaantii bishii October ee sanadkii 2022 cod aqlabiyad leh ku meelmariyay in Gobolada Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ay si rasmi ah uga mid noqdaan dhulweynaha Ruushka.

Ukraine oo taageero militari iyo mid maaliyadeedba ka heleysa dalalka reer galbeed ayaa sii waddo gulufka ay kala horjeeddo Militariga Ruushka.

Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu tilmaamaa labada dal ee ugu weyn ee kaalmada militari siiya Dowladda Ukraine.

Ukraine ayaa dooneysa in ay dib u soo ceshato dhulkii uu Ruushka kaga qabsaday bilowgii dagaalka, inkastoo ay Kyiv ku guuldareysatay weeraradii rogaalcelinta ee xagaagii dhammaaday.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa 5-tii bishii October ee sanadkii ina dhaafay ee 2023 sheegay in dalkiisu uu dagaal dhab ah kula jiro Ruushka, isla-markaana uu gaashaan u yahay Yurub oo dhan.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa xilligaasi sheegay in dalkiisu uu hortaagan yahay in Ruushku uu weeraro dalalka kale ee Yurub.

Dhanka kale Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa mid kastaba uu ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo uu ku soo rogayo Ruushka, ka dib sanad guuradii 2aad ee ka soo wareegatay duulaankiisa Ukraine, si loo curyaamiyo dhaqaalaha uu u adeegsanayo dagaalka.

Inkastoo reer galbeedku ay cadaadis dhaqaale ku hayaan Ruushka ayaa waxaa haddana la sheegaya inaanay taasi waxba u dhimin dhaqaalihiisa, balse uu sii xoogeysanayo.

Duulaankan ayaa cawaaqib dhaqaale ku keenay dunida, marka aad eegto sicir bararka xoogga leh ee uu ka dhaliyay suuqyada caalamka.

Ruushka iyo Ukraine oo lagu tilmaamo dalalka ugu badan ee wax soosaarka dhanka beeraha ayaa duulaanka ka hor dunida u dhoofin jiray boqolkiiba soddon (30%) sareenka dunida laga isticmaalo, taas oo ka dhigan boqolkiiba afartan (40%) sareenka Afrika laga isticmaalo.

Labadan dalka ayaa sidoo kale dunida u dhoofin jiray waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta dalaga beeraha, oo dalal fara-badan ay ka faa’iideysan jireen.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa qireysa in duulaanka laga dhexlay qalqal dhaqaale oo ku yimid suuqyada caalamiga ah, bacdamaa ay dalal fara-badan ku tiirsanaayeen cunnada iyo wax soosaarka beeraha ee labadaasi dal.

Duulaanka Ruushka ee labada sano jirsaday ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, oo u badan askarta labada dhinac, waxaana ku barakacay illaa 18 milyan oo shacabka Ukraine ah, kuwaa oo 8 milyan oo ka mid ah ay maanta qaxooti ku yihiin dalalka Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker